Piczo

Log in!
Stay Signed In
Do you want to access your site more quickly on this computer? Check this box, and your username and password will be remembered for two weeks. Click logout to turn this off.

Stay Safe
Do not check this box if you are using a public computer. You don't want anyone seeing your personal info or messing with your site.
Ok, I got it
Back To Home Page
YAAN QOSLIN (hadaad qosli weydo anaanba kusooqoslin tan
xariifkoo ayaa taleefoon wuxu u diray gabar ay saaxiibo yahiin gurigooda. Duqdoo gabadha ayeeydeed aa ka qabatay

markuu salaam kabacdi ayna u sheeqtay in qoftii joogto ayuu waxuu ka codsaday inay u gudbiso
duqdii ayadoon taleefonka meesha looga hadlo gacanta saarin ayey gabadhii oo dhow ku tiri:

maadheey iga qabo waa mid qamri ka soo ureyso e"
xariifkii gabdhii uu ku salaamay duqdu san-dheeraa...... xagaas may wax ka urihee
afar gof ayaa safar is ku raacday midka 1-wuxuu ahaa dhagoole 2-camoole 3-curyaan 4-mid qaawan
midkii dhagoolkaa wuxuu yiri waxaan maqlaa sac ciyaya indholkii ayaa yiri waan arkaa waa mid cad kii curyaanka ahaa ayaa yiri na orodsiiya aynu tagnay kii qaawanaa ayaa yiri war bal waxaa laga yaabaa in ay tuugo joogto oo dharka nalaga furtaaye
gabar iyo wiil saaxiib ah, wiilkii maalin maalmaha ka mid ah shuunkii soo xiirtay markii xaafadii laysku arkay gabadhii ayay aad uga heshay sida wanaagsan ee loogu jaray, markaasay tiri war xagee ka soo jaratay anigana aan ka soo jartee, markaasuu yiri tima jaraha oo 10shiling ayaa laygu soo jaray, orod bay is dhigtoo timajarihii ayay gashay, kursigii intay ku booday ayay tiri tima jare anigana sidii saaxiibkay iigu jar, tima jarahiina horuu ka bilaabay hodhow ayay tiri markuu shaqadii dhameeyay, war waa meeqa suu yiri 20 shiling,, intay fiirisay ayay tiri war ma waalan tahay saxiibkeyga 10 ayaad u jartaye, qiyaamadu waa maxay
tima jarihii baa yiri saaxiibkaa meel la qabtuu lahaa laakiin adiga meel la qabto maleh waa shaqo saa'id ah
laba wiil oo walaalo ah oo isku qol hal gogol ku jiifa wax kalena qolka u oolin ayaa, waxaa u soo galay tuug, tuugii go'iisii ayuu is yiri dhigo yaanu ku kashifine, wiilashii meeshay jiifeen ayuu ag dhigtay si uu qolka u baarto. intuu qolkii baarashadiisii ku maqnaa ayaa labadii wiil mid soo jeeday go'ii tuuga hoosta soo gashaday. tuugii oo wali wax uu qaato ka la meesha ayaa wiilashii kii kale toosay markaasuu yiri war walaalow guriga tuug baa ku jira, kii go'ii hoosta ku haystay baa yiri war tuugna kuma jiree naga seexo. tuugiina wuxuu is yiri meesha isaga carar mise go'iisii maba yaalo. intuu yaabay tuugii oo albaabka ag istaagay ayuu yiri hadaanu meesha tuug ku jirin yaa go'aygii qaatay, orodna albaabkuu ka sii booday
Nin oday ah oo reer mudug ah oo ina-dhoore la yiraahdo ayaa xamar imaaday. Bas ayuu ceelgaab ka soo raacay .odaygii waxuu fariistay labada kursi ee isku dhagan midka meesha la maro soo xiga. Kursiga ka shisheeyana waa banaan yahay.
Gabar dhalin yaro ah ayaa baskii oo kuraastii kale buuxsameen soo fuushay. Odaygii oo meeshaan iska fadhiya bay waxay ku tiri:
"Duqa jug dheh"
odaygii inta kor u fiirshay buu afka ka yiri: "JUG"
gabadhii oo xoogaa qosol ceshaneysaa baa waxay tiri: "Ar waxaan dhoora ah maxaa waaye"
odaygii wuxuu u qaatay inay garatay markaasuu yiri :
"allow wax na yaqaan ha noo waayin... adeer tumaad aheyd............."
yax yax yax...................... ma waraa yaale hee qosol
Ma ina soo gaarsiyeey xariiftii reer muduga aheyd oo ayadoo qurbaha ku cusub xariifkoo kale damcay in uu shukaansi ka gaarsiiyo..... malintii danbe ayuu soo wacay markaas ayuu yiri haye abaayo maxaa isku dhacaya(what's is happening) markaas bey tiri walaal waxbe ma sharqan baad maqashey....giiix-giix-giix
Meel baadiya ah ah ayaa nin wuxuu u yimid nin uu yaqaano oo hilib macaan cunaya, ninkaan hilibkii baa hunguri ka galay, markaas buu wuxuu is yiri ninkaan sheeko xiiso leh u qabo si uu kuu yiraahdo war hebel soo fariiso. Markaas buu yiri:

War hebelow naagtaadii waa dhashay
markaas buu ugu jawabey asagoo aan fiirin oo hilibkiisii cunaya...inay calool buurneyd waa ogaa...
markaas buu yiri 2 wiil oo mataano ah ayey dhashey
su ye...si waa u calool Weyneyd.
Markaas buu yiri wiilashii mid baa dhintey.....
suu ye tiisii baa gashey.
Markaas buu yiri kii kalena raac....
Suuye wuxuu u joogo waa khalad....
markaas buu yiri haweyneydiina raacdey....
suu ye midhaa mida kale aan soo wadey ogeyd.....
Xariifkii asagoo dhabanada haysta oon hilibna la siin amuu baxayhee
SHEEKO DHEXMARTAY NIN REER WAQOOYI AH IYO ODAY REER MIYI AH OO SOMALIDA ETHIOPIA AH

Nin reer miyi ah oo ka imaaday Galbeedka-Somaliya gaar ahaan magaalo layidhaahdo HARGEELE miyigeeda oo soo xigta dhinaca xuduudka Somaliya ayaa soo aaday muqdisho waxayna gaadhi soo wada raaceen xariifkoo reer waqooyi ah kadib markii dhaxda lamarayo ayuu gaadhigii gadoomay

kii reer miyiga ahaa ayaa sixun u dhaawacmay shoog ayuuna qaday wuuna miyir beelay laakiin xariifkii wax weyn ma gaadhin ninkaan reer miyiga ah waligii magaalo ma arag safarkaan kahor waa loo gurmaday gaadhigii gadoomay waxaana dadkii dhaawaca ahaa lakeenay Hospital kuyaala amar

Mudo kadib ayuu yiyirsaday ninkii reer miyiga ahaa kadibna wuxuu arkay isagoo meel wada dhalaali ku jira dad dhar cad cad qabana ay u adeegayaan siiba gabdhaha nursing ka ahaa wuxuu layaabay meesha nadaafadeeda iyo waxan uusan waligii arag kadibna dhinacyadiisa ayuu eegay isaga oo leh aduun waa ladaali kuna cel celinaya, wuxuuna arkay sxbkiisii(saxibkisi) reer waqooyiga ahaa wuxuuna weydiiye meesha ay joogaan meesha ay tahay

kii reer/w wuxuu gartay in sxbkiis wali wareersan yahay wuxuuna ugu jawaabay waar dee waa Aaakhiradii soo ma arkaysid meeshaan waa meeshii Janada lagu sugayee. Ninkii wuu yaabay wuxuuna rumaystay inuu dhintay hadana janada uu ku jiro becouse waligiis ma arag mana maqal wax sidan u nadaafad iyo nuur badan wuxuuna yidhi Aleelahay waa runtaa! karbuunana(toosh) arkayoo waligay ma arag wax sidan u nuuri(u iftiimi)

kii reer waqooyi intaas kuma dayne wuxuu ogaaday in xariifkaan reer miyiga ah qaliin u diyaarsan yahay laga operation mayo meela wax kasoo gaadheen waxuuna ku yidhi mar labaad waar yaahee hada waxaynu ku jirnaa qiyamihi waxaan dharka cad cad qabana waa malaaigtii ee waxaa ogaataa hadii iridaa lagaa bixiyana waxaa lagu gayn cadaabkii (waa dhinicii theatre qaliinka) hadii taas kale lagaa bixiyana waxaa lagu gayn janadii(waa iridii dad caadiga ah kasoo galayeen)

Wax yar kadib ayaa waxaa imaaday qolyihii dhakhaatiirta ahaa oo doonaya inay camaliyad ku sameeyaan ninka dhaawaca ah waxaana loo qaaday dhinicii looga digay mise hal mar ayuu afka furtay isagooleh LAA ILAAHA ILLAALAAHU MUXAMADARASUULULAAHI WAR HA I CADAABINA ANIGU ISLAAMBAAN AHAY!!!

waxuuna kuwaashay towxiidsi iyo qaylo aan xadlahayn sxbkii reer waqooyina qosolbaa naftu uga baxaysaa markii ninkii dhaawaca ahaa lawadi waayey lana arkay kan naftu qoslka uga baxayso ayaa laweydiiye wuxuu ku qosli iyo waxa uu ka ogyahay ninkan ay wada socdeen xaalkiisa inuu waalanaa iyo inkale

Kadibna wuxuu u sheegay dhakhaatiirtii wxuu ninkan reer miyiga ah ka dhaadhiciyey aad ayaana loo qoslay qaadan waana dadkii ugu noqotay waxaana adkaatay in odaygii reer miyiga ahaa lamarsiiyo irida cadaabka
Xaafada huruwaa ee xamar ayaa Islaan baa waxey dagan tahay guri filo ah, marka dadka agaarkeeda ah ayada kaliya ayaa filo uga jirta... marka islaanta waa garoob lixdankii ayeeyna taban rabtaa
Oday dameerey ah ayaa islaanta kor ka fiirsada islaantuna waa reer bari.... malintii danbe buu odaygii go'aansadey in uu islaanta ku qabto.markaas buu wuxuu yiri...

yihoow heblaayow kawaran hadii aan aniga malintii dameerka noo soo xamaalo, adiga aad raashinka noo walaaqdid, habeenkiina aan is amuursano..... islaantii reer bariga aheyd waxaa ciil ka hayaa odaga dameerlaha oo shukaansanaya, markaas bey tiri.....Hade walaal ma xume, marka hore waa in aad reerkeyga iga doonta, oo aad sooryo siisaa, waa in aad dahab ii tuntaa, alaabna ii dhigtaa....

Odaygii intuu yaabey ayuu yiri yihoow mugaan walaxaas oodan suubinayo, XAAN KAA DHEEFAA XABABA DHALI MAYSIDE
Will Xamar kudhashay ayaa waxaa lageeyey Mudog Baadiyaheeday wuxuu meesha tagay ayoo galab gaab ay tahay markuu reerkii u tagay ayaa qoraxdii dhacday willkii wuxuu yiri waxaan rabaa inaan mushqusha isticmaalo hoyadii baa tiri oradoo kirligaan qaado oo meeshaas kusoo Xaajoo willkii wuxuu dhinacyadoo fiirfiiriyey wuxuu arkay "AQal" aqala ugu yar wuxuu umaleeyey mushqushii markuu galay oo uu u fariistay xaajadii ayaa waxaa lahadlay ayeeydii oo tiri Waakuma markaa suu yiri I'm sorry maku ogeeyn inaad kujirto mushqusha, lalal lala lala tell me
labo nin aa lakala yiraado jamac iyo iidoow ayaa la soo qafaaley waxaana la geyey xero lagu tawabaro ciidamada,waxaana la sexiyey labo sariir oo is korsaran.
labada nin midba wuxuu la yaban yahay kan kale,jamac wuxuu la yaban yahey lahjada uu ku hadalo iidoow,iidoow wuxuula yaaben yahay jamac oo in badan diinta caya,malin malma ka mid ah ayey isku dayeen in ay bal wada sheekaystaa waxayku bilaabey sidan.
JAMAC';war ninyahoow warka soo daa aduunka maxaa ku soo marey.
IIDOOW;rag jabkiisa ayuu ka dheekeyaye ee dheeso
JAMAC"soo daa hada
IIDOOW:wuxuu bilaabey sheeko dheer
JAMAC:wuxuu ugu jawaabayey,waa caynkaa,wa cayka
IIDOOW:intuu xanaagay ayuu shekadii jojiyey,ayaa wuxuu yiriwar ninyahoow maxaa cayka ku joojiyey maad qayka ,lanka ,minka ku dartid,ileen waxaad diinta u caysid alf-waxmala cayba ma dhaafin.
hahahahahh
Waxaa baabuur iska-roge ah (is-gedis ah) watey nin reer waqooyi ah, ninka Baydhabo ayuu u socday, wuxuu dhexda ka sii qaaday laba nin oo reer Baydhabo ah (eelaay)... labada nin mid ayaa af-soomaaliga wax yariis ah ka yaqaaney kan kalena zero ayuu taagnaa(waxba ka ma uusan aqoonin).

Baabuurkii markuu Buurhakabo (Baydhabo agteeda) maraayey ayuu ninkii reer waqooyiga ahaa kula kulmay Qaad ama Jaad fresh ah, safarkii wuuba iska kansalay (cancel, baajin), markaasuu ku yiri nimankii eelaayda ahaa oo kor saaran, " dee soo dhaadhaca!"... midkii waxa yar soomaaliga ka yaqaaney ayaa kii kale ku yiri " Eedanoow dheegaase dhuugsooy" oo macnaheeda uu yahay Aadanoow dhigaha si fiican u qabso.

Ninkii reer waqooyiga ahaa wuxuu arkay nimankaan oo wali meesha iska dhex fadhiya markaasuu hadana yiri "dee diintiina iyo ilaahiina waxaas ku sameeyee soo dhaadhaca"...ninkii baa hadana u fasiray waxa lagu yiri markaasuu yiri "dhuugsooy, dhuugsooy ha dhaadhi'n intuu indhaha isku qabsaday oo xoog baabuurkii u sii qabsaday".

Ileen wuxuuba u fahmay in la leeyahay baabuurka ha ka dhicina xoog ayaan u wadi doonaaye, indhaha inteey isku qabsadeen ayeyba dhaheen dhuugsooy, dhuugsooy....markii dambe ayuu baabuurka u dalacay markaasey sidii ciidii dhulka ku soo daateen
Oday reer mudug ah ayaa masaajid salaad subax soo galay si uu ugu tukadao masaajidka, balse jamacadii waa laga hor tukaday kaligiis ayaana salaadii galay ........... kikikikikkikkkkkkkkk ................ anaaba qosol tan la qorila' ............... kadibna wuxuu galay salaadii 5 RAKCADOOD!!!!!! ayuuna tukaday oo isku xiriir ah. looooooooooooooooooool hahahhaahha ,,,,,,,,,,,,, nin sheekha oo meesha fadhiyey ayaa weydiiyey oo ku yidhi maandhow maxaa ku daaray oo 5 RAKCADOOD u tukatay lama ogola wax 2 ka badane Diintu ma qabtee wuxuu ku jawaabay sheekhoow calumadaan ( culimada) ka maqalay khayrka waa la badsadaa anna sidaasaan RAKCADAHA u badsaday
Gabar Soomaliya oo kanada joogta ayaa shaqo raadsatey markii ay formka buuxineysey ayey aragtay what is your sex. waxay u maleysay in ay tahay sex ma sameysaa oo waxay ku jawaabtey sometimes. Su'aashii ku xigtey waxay ahay what position. waxayna ku jawaabtey ayadoo geesaha iska fiirineysa sitting . hahaha
Maalin ayaa waxaa muqdisho dhaxdeeda gaari dameerkiisa fuushanaa xariifkoo "bal iyo caws" ku wata,... waxaa gadaashiisa socday baabuur isku dhacaaya oo uu nin reer waqooyi ah watey,,, gaari dameerlihii ayaa jidka ka xirtay ninkii reer waqooyiga ahaa, dhowr jeer ayuu inta "hoonka" baabuurka u yeeriyey ayuu ku yiri "dee wadada nooga baydh ilaahaada waxaas ku sameeye" intuu diinta wax ka sheegay.

Markii dambe, ninkii gaari dameeraha ahaa wuu adkeysan waayey markaasuu inta gaari dameerkiisii joojiyey ayuu ku yiri "areey xaad horta diintaayna u caaysaa, adba diintaada was!!!" wuxuu u haystaa ineyba kala diin yihiin
Anagoo dhowr soomaali ah ee fadhina maqaayad ku taal bombay india, ayaa waxaa gadaasheena soo fariistay islaan soomaali ah, oo kuwa dahabka ka ganacsada ah, markaasaa waxaa u yimid kabalyeerigii hindiga ahaa, maxaad rabtaa ayuu yiri, waxay ku tiri waxaan doonayaa CHILDREN FRY, oo macnaheedu yahay caruur duban(solan), waxay rabtay inay tiraahdo CHIKEN FRY(DIGAAG DUBAN), ninkii hindiga ahaa oo yaaban ayaa ku yiri wadh,wadh(wath) are you crazy, intaan islaantii iyo ninkii u tagay ayaan ku iri, eedo maxaad rabtay, markaasey kusoo celisay waxaan rabay children fry, waxaan ku iri eedo afsoomaali iigu sheeg , markay ayay tiri, waligayba halkaan ayaan ka cuni jiray miyuu cusub yahay nacaskani, eedo waa digaag solan. markii aan u sheegay ayuu hindigii qoslay oo yiri:you somalian people, you use to eet children, ahahah, ahaha
xariif reer markood ah oo odayaasha marka ka mid ah ayaa waxaa la yiri maanta madaxweynaha ayaa magaalada marka booqasho ku imaanaayo ee maadaama aad odayga magaalada ugu weyn tahay uga warran madax weynaha wax qabadka kacaanka iyo waxa uu u qabtay magaaladan marka. xariifkii meeshii dadku isugu yimid oo madaxweynihii fadhiyo ayuu ka istaagay oo wuxuu yiri" jaalle madaxweene kacaanka wax badan aas khabtay, waxaas kacaanka khabtay haddii wax kaaga sheego waxaa ka mid ah" markaas buu intuu geesaha fiiriyey ayuu islaan waayeel oo dadweynaha ku jirta soo kiciyey oo yiri "ay faay istaag, jaalle madaxweene ay faay kacaanka ka hor waxaas ahaan jirtay ma kasee? sharmuutaas ahaan jirtay nooh laakiin hadda maamooyinka magaalada ugu waaween ay ka mid tahay" hadana oday kale oo duq ah ayuu soo istaajiyey oo yiri "Awees istaag adina, jaalle madaxweene awees waxaas ahaay ma kasee? kacaanka ka hor khaniis aas ahaay, hadana masaajidka maka baxo habeen i maalinbo
Maalin ayaa xaafad madax shub ka jiray ( ducada haweenka) lol markaasa islaan haweenka meesha isugu imaaday sheeqad u ahayd layidhi noo ducee "war may ka daayaan" lol waxayna tiri sidan soo socota

Balaayda kore raaran. Hareeruhu riixan. Tii hoose raban raaban ( means = dadan ama qarsoon) balaayadii kale rooran kulligood raban raaban raban raaban.
MASII WAD WADI KAREE WALLAAA LIIIIIIIIN lool too kale aa ku tiri WAH!! Aar abaay sheeq batuulo intee kasoo baratay ducabadaan iyo quraan kaan aad aqrinaysid. Say tiri ina xaaji muriiiiiiidi macaanto culimo Allaan kasoo bowsaday ( kasoo bartay) loooooooooooooooooool war maa yala hee dad aaba quraan looga dhiagay waxaan jirine lololol
Biri baa nin reer miyi ah ayaa waxaa ka lumay geeliisii, markaasa waxa loogu sheegay inuu geeliisii Nugaal lagu soo arkay.dabadeed dhiishiisii ayuu biyestay oo u diyaar garoobey safar 15 maalmood ah. Markuu gaadhay beeshii geelisa haysey ayuu wuxuu arkay rag tukanaya markaasuu intuu u soo dhawaadey ku yidhi(war ragow ma aragteen geel baadi ah)waa loo jawaabi waayey waayo waa rag sallad ku jira.dhowr jeer markuu ku celceliyey oo loo jawaabiwaayey ayuu iska fariistay oo sugey.Markii la salaamanaqsaday ayaa loo sheegay geeliisii meshuu joogo.Ninkii markuu ku soo laabtay dhulkiisii isagoo wata geeliisii ayaa lagu soo shiray si loo waraysto,su'aashii ugu horeysey baa waxay ahayd, bal nooga waran dhulkii aad tagtay?wuxuu yidhi(Nimanyahow idiin waramay waxaan tegey dhul aad u fog waxaanse ku soo arkay ciyaar layiraahdo Tukad (salaada)oo koox-koox iyo keli-keli'ba loo ciyaaro).Dadkii baa waxay ka codsadeen inuu tuso sida loo ciyaaro Tukad,
Dhamaad
hada ka hor waxaa saaxiba noqday nin shiidle ah iyo naag reer waqooy ah habeen habeenada kamid ah asxaabtaan waxey kale xaajadoodii (sex) naagtii ayaa u macaansatay oo waxey la dhacday habku ninkan wax u galaayo markaasey waxey tiri WAR BAL KU XAJI iyadoo kawada siiwad camal. awkee shiidle ma fahmin waxey ka wado laakiin wuxuu u maleeyey inay ula jeedo KUSOO XAJI OO (KACBADA LA TAG CAMAL)MARKAASUU WUXUU YIRI ILAAH HANOO KASO LAAKIIN INUU ILAAH SAAN XAJKEEN KU AQBALAAYO MA U MALEEYNAAYO
bari baa waxaa noo timid(xamar) islaan katimid Kismayo.Waxey rabtay in ee basaboor sameysato xajka ayaa soo dhawaa horrena sawiraddii ey usoo qaadatay.Subaxdii ey rabtay in ee basaboorka xareesto baa habeenkii kahoreyay ayaa sawiradii dooli(jiir) qaatay.
Islaantii subaxdii bey waxey tiri maadheeyinow bal isii ya sawiradeydii aan bal meeshi adee.Wax la raa raadshu maleh sawiradii nagata.
marki danbe ayaa loo shegay waxaa lagu yiri eedo sawirodii dooli ayaa qaatay see tiri maadheeyinow orda oo shantaan shilin siiya eena hore iiga soo qaada aan idin duceeye>>waxey umaleysay in dooligu qof magaciisa layiraah reer kismayuhu waxey u yaqaanaan dooligu=jiir
Waxaa is qabay nin somaali ah iyo naag, marka ninka naagtiisa aad ayey u kululayd oo uu uga baqi jirey, xariifkaan ayaantii danbe wuxuu guursaday naag kale wuuna ka qariyey xaaskiisii hore isagoo ka baqaya, wuxuu naagta yar u tagi jirey gurigeeda galabtii ilayn kuma dhixi karo oo wuxuu ka baqayaa xaaskiisa wayn.

Naagtii yarayd waxay aad u dhibsatay ninkan siduu xaaskiisa kale uga baqo iyadana u qarinayo mudo laba sano ah, galabtii danbe ayeey makuu u yimid caanihii ugu dartay kaniini hurdo xariif kii hurdo ayuu la dhacay mar ay tahay (3:00 am)waqti danbe ayuu soo baraarugay oo dharkiisii gashtay xariifku wuxuu lahaa bidaar wuxuuna xiran jiray cimaamad markuu dharkiisa gashanayey ayuu wuxuu madaxa ku soo duubtay garbasaar ay naagtu lahayd oo uu modaayey cimaamadiisa, wuxuu yimid xaaskiisa oo aad u xanaaqsan markaas ayuu yiri baabuurki ayaa iga halabay oo aan ku soo daahay. markaas ayey xaaskiisa tiri (garbasaar kan xagee nooga yimi) war ma yaal hee loooooooooolllllllll
nin baa baadiye ka yimid oo soo galay magaalada hargeeysa iyadoo la tukanaayo salaad maqrib
ayuu markii salaadii la xirtay xaga danbe ka yiri
anigu nin safar ah ayaan ahay xagaa & galbeedna u
sii socda waana kaba la ahay dadyahow markaa labo
kabood oo ile eg ayaan qaadanayaa ee sidaa & nabad galyo dadkiina talo ayaa ku cadaatay oo nin walba waxuu is yiri ma kuwaaguu qaadanayaa ilaa iimaankii ayaa naxay oo yiri inta is ilooway war qabta ninka ninkiina wuu sii cararay dadkiina qosolgariir ayaa ku dhacay
hada ka hor ayaa waxaa dhacday nin reer miyi ahaa ayaa waxaa la geeyey dalka mareekanka (usa)marka waxuu ku dagay family ay wax isku yihiin. maalin maal maha ka mid ah ayaa waxaa is raacay ninkii iyo gabar ka mid family uu la joogay waxeey aadeen magaaladii sxbkaa wuxuu la yaabay saraha dhaadheer markaasu su'aal ka bixi waayey mar walba wuxuu weeydiiyaa sartaan yaa iska leh markaasey gabadhu uugu jawaabtaa I DONT KNOW
MARKUU DHOOR JEER WEEYDIIYEY EE GABADHIINA AY UUGU JAWAABATAY (I DONT KNOW)sxbkaa wuxuu u qaatay (i dont know ) in ay tahay qof magaciisa ,markaasu galabtii markuu gurigii ku soo laabtay ayuu salaadi casir dukaday ayuu duceeystay wuxuuna yiri (ilaahayoow maalkii aad I DONT KNOW siisay oo kale i sii)
baribaa baa waxaa jiray nin la yiraahdo juxaa oo aan umalaynayo inaad wada taqaanaan waxaa la yiri maalin buu wuxuu dhaqday shaati kadibna wuxuu surtay xariga dharka lagu warto kadib xoogaa markii la joogay ayaa dabayli timid shaatigii ayay soo ridday kaddibna wuxuu yiri intuu soo booday alxamdulilaah al xamdulilaah oo bood booday dhulka isla dhacay oo neef qalay oo salaatu shukri tukaday goortuu alabarigii dhigay oo dadka iskugu yimaadeen buu ka khudbeeyay oo yiri war dadoow alxamdulilaah alxamdulilaah....war maxaa kugu dhacay baa waxaa waydiiyay nin fadhiyay wuxuu yiri qiso cajiib ah baa igu dhacday haye baa la yiri dhagtaa la taagay wuxuu yiri maanta ayaan waxaan dhaqday shaati ka dib dabayl baa timi dhulka buu ku soo dhacay ka warran buu yiri haddaan ku jiri lahaa shaatiga oo anuu ku jira dhulka ku soo dhici lahaa sooma jabeen oo dhinteen sidaas daraadeed baan alabari ugu qalayaa dadka ...lol lol intii la qoslay baa lagu yiri ritiyahow naga aamus oo isku xishood .............lol
nin la yiraahdo mujrim ayaa wuxuu galay jameecaad salaad masaajid laga tujinayo markaasuu imaamkii baa akhriyay alam nuhlikil awaliin (miyaanan halaagin ku wii hore ) markaasuu safkii hore buu ku jiraye ka soo baxay oo yimi kan u danbeeya markaasaa haddana imaamkii akhriyay thuma nutbicuhumul aakhariin (miyaana raacin ku wii danbana )markaasuu safkii danbe ka soo baxay oo galay kii dhexe imaamkii baa haddana akhriyay kadaalika nafcalu bilmujrimiin(sidaasaanu u galnaa dadka mujrimiintaa(gaaladaa)) markaasuu intuu safkii ka baxay buu qayliyay oo yiri walaahi anaa i danleedahay salaadaadiiyoo dhan waan kaaga baxay soco.... markasuu go iisa qaatay oo magaaladiisa iska galay ............lol....
2 wiil oo yar yar oo iksu da'a ah ayaa reer u so martiyey waxaana la seexiyey qoklii familku daganaa odaygii oo ku hurgufaya xaaskiisa ayuu mid arkay habeen badhkii kii arkayey ayaa is yidhi kan kale ma arkee toosi si uu u arko howsha socota filmkana wax uga daawado loooooooooooooooool gax gax gax gax

qandhuufuu hoosta uga dhiibay mise kana waaba fiirsanayaa filanka looooooooo ahhaahh qandhuufuu asna ugu jawaabay oo macnahedu yahay waa arkaa looooooooooooooool
Subaxnimadii ayuu kii latoosiyey kii kale ku yidhi walaaloow hebeloow hadaad janada ii haysana masidaas ii galin lahayd looooooooool
SHIIKH CABDUL QAADIROW!! Waayadii ay Sucuudiga shaqooyinku ka furnaayeen, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo tag ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay gaadhigii saarnaadaanba mise markay meel dhaxe marayaan ayuu gaadhigii kula dhacay meel god(xurfad) ah, ka dibna waxaa naxay kii reer waqooyigii ahaa, wuxuunayidhi Yaarasuululaahi!!, markaa sheekh carab ah oo agtiisa fadhiyey baa intuu bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, kuna yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?!!. Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa iska aamusay isagoo cadhaysan, wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu kula dhacay, dabadeedna kii reer koonfur ahaa baa yidhi Shiikh Cabdulqaadiroow!! markaasaa kii reer waqooyiga ahaa oo cadhaysanaa baa intuu dhirbaaxsho ugu jawaabay, kuna yidhi war kii weynaa baa meel loo la' yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaa.!!!
nin miyaga ka soo galay oo aan is idhi talow ma aw-dheera (joke) baa wuxuu ku soo tukaday masaajid salaaddiibuu jamaacaad ka ku xirtay imaamkii baa wuxuu akhriyay (inaa arsalnaa nuuxan ilaa qawmihii an andir qawmaka min qabli an ya tiyahum cadaabun aliim)(waxaan u dirnay nuux qawmkiisa si uu ugaga digo cadaabta daran ee qiyaamaha) markaasuu ku celceliyaa aw heelowgaan waa carab reer baadiyaa wuu fahmayaa carabiga intuu soo booday buu imaamkii ku yiri ilaahay ha kuu naxariistee ma qof kale u dirtid nuuxaan aad sheegayso oo dhaga adag naga daayoo adna waa istreexi lahayd annaguna waa istereexi lahayn ......hee maxaa meeshii ka dhacay hee lol...................
Maalinbaa waxaa isguursaay labo nacas habeen kii aqal galkoodu ahaa ayuu yiri ninkii naa orodoo albaabka soo xir, markaasey tiri adigu maad soo xirtid. Markii ay cabaar isku celceliyeen baa ninkii waxuu yiri anigaa figrad haya !. Waxay gabdhii tiri soodaa figradda aad haayso. Markaasuu waxuu yiri labadeena qofkii hadla baa soo xiraaya albaabka. Markaasey tiri waayahay. Intii ay aamusnaayeen oo ay isla fadhiyeen ayaa waxaa u soo dhacay tuug. Tuugii ayaa arkay inuusan jirin wax la hadlayo. Markaasuu bilaabay in uu alaabtii wada gurto. Markii uu waagii baryay baa waxaa u yimid dadkii markaas baa waxa la waydiiyay waxa alaabtii gurtay. Caruusadii baa hadashy oo waxay tiri tuug baa gurtay. Dadkii waxay yiraahdeen oo ma ujeeday. Waxay tiri haa ,aniga iyo ninkeygaba waan uwada jeednay. Markaas ayuu ninkii intuu soo booday yiri adigaa hor hadlay caawana adigaa albaabka xiraaya. Dadkii intey qosleen bay yiraahdeen naga keena waa labo nacasee
Gobol ka mid mareykanka ayaa maalin waxaa nin saaxibkeyga ah (aan ugu magac daro) Cabdisalaan ku dhacay wuxuu tagay meel Agency ah oo shaqooyinka kumeelgaarka ah laga helo mar labaad, Cabdisalaan hadda ka hor ayuu yimid Agencgaas oo shaqo baa loo diray markaa ayuu u ganbiyey shaqaddii ama u gooyey shaqada, Englishkiisana ma gaarsiisano ilaa iyo heer Vocublary waa weyn. Cabdisalaan maalintaas waan la socdey oo waxaan fadhiyey gadaashiisha sheekadana waxay u dhacday sidaan.

Abdisalaan: I need a job for short term
Naagta Agecy: Did you apply job through us?

Abdisalaan: yes
Naagta agency: hold on let me check your file

Abdisalaan: Okey

Naagta Agecyga aa soo noqotay oo file ka cabisalaan ayay soo fiiriyey.

Naagta Agency: Mr. Abdisalaan, we terminate you.
Abdisalaan: isagoo fahansaneyn kalamada "terminate" ayaa wuxuu yiri what time I am coming work tommorow

Naagta Agency: Sir we terminate you period.

Abdisalaan intuu soo jeestay ayuu igu yiri "tan waxay igu jirtaa we terminate you wayna diidan tahay inay ii sheegto shaqada goorta aan bilaabayo, way og tahay inaan nin shaqeysanayo ahey waxay rabtaa inaan Taleefoon ku soo waco oo ii sheeg dhaho meesha shaqada"

Aniga: cabsilaan sxb "terminate" waxay ka wadaa you are fired.

Abdisalaan: intuu isku qoslay ayuu yiri ar shib dheh dad ha iigu sheegin lol
Nin rahaweyn ayaa tegay Hargeysa marka meel ujoogay meel udhow ayaa tuugo alaab ka xadeen oo carareen isagii ayaa loogu yimid oo askartii qabatey markaas ayaa loo kaxeeyey xagii saldhiga ka dib waxaa la weydiiyey inuu sheego nimankii alaabta xadey wuxuu yiri ani migoridaaw saa mid askartii ka mid ah wuxuu yiri war hala garaaco isagaa sheegaye markuu xanuunsadey ayuu wuxuu yiri sheikh C/qaadirow saa waxay dheheen qor qor C/qaadir buu sheegay garaac inta hartay isagaa sheegaye hadana wuxuu yiri sheikh Aweesow qor qor awes wuu sheegay garaac inta hartay isagaa sheegaye, markaa nin iyagii ka mid ah baa yiri war ninku wuxuu sheegayo waa sheikhyaal ee ma'aha tuugo markaa askartii waxay dheheen jow ma sheikh aan sheikh Madar aheyn baa jira. loooooooool.
Gabar yar (Suldaano aan ugu magac daree) ayaa reerkeeda waxay u direen inay soo gado ama soo iibiso Qaro (water-mellon), Suldaano af-carabiga waxyar bay ka taqaan, markii ay Tagtay supermarket lagu iibinayey Qaraha ayaa ninkii supermarketka waxay ku tiri "ana caa'is qaro"
oo micnaheedu yahay "waxaan u baahanahay qaro." maasaaridana kalmada "qaro" waxay u yaqaanan "xaarka" ama "saxarada" markaasaa ninkii supermarketka intuu gabadhii fiiriyey asigoo yaaban ku yiri "xadritak caa'is qara bitaacii" oo micnaheedu yahay adiga ma waxaad rabtaa xaarkeyga, Suldaano iyadoo moodda ninka supermarketka inuu ka hadlayo qaraha cuntada mooddana inuu la fahmey waxay raadineyso waxay ku jawaabtay "nacam" oo ah haa. Markaasuu ugu jawaabay "ictiqad inta majnuuna, ila qara bitaaci mush beyac" micnaheedu yahay "waxaan u maleynayaa inaad waalan tahay, xaarkeygana beec ma aha." Iyadoo yaaban Suldaano ayey supermarketkii ku soo wareegtay waxayna heshay qarahii ay raadinaysay markaasay u keentay ninkii supermarketka lahaa kuna tiri "haddaa qara." markaasaa ninkii intuu qoslay ku yiri "nixnaa naguul batiiq" anagu waxaan niraahda "batiiq
Waxaa Kenya, Uganda iyo meelahaas, u soo qaxay nin reer waqooyi ah, maalin maalmaha ka mid ah ayuu la kulmay gabar Ugaandhays/kenyati ah oo timaha buruuko soo gashatay.

Gabadha wey iska yara qurxaneyd yarana cadeyd, wuu ka helay wuxuu bilaabay inuu la sheekeysto oo ay is-bartaan, maalintii dambe ayuu gurigiisa ku balansaday goor habeen ah, wey u timid oo la sheekeystay, xoogaa ka dib ayey bilaabatay is taataabashadii, ninkii siduu u baashaalaayey ayuu is yiri bal timaha gacanta geli... mise buruukadii ayaa gacanta soo raacday!... markaasuu arkay madax xiiran oo wax yaroo timo cambuulo ah ka soo jeed-jeedaan!

Markaasuu yiri " Now! Alla hayaay, waar wuxu nin bey ahayd!"...intuu cararay ayuu saaxiibkiis u tegay oo ku yiri: " iga waloo cabdoow nin baan salaaxay!"
nin tuugaa baa maalin u soo dhacay xeradii ariga waxaana jiray abaar aad uxun oo xeradii markuu galay oo neef dhagta haysto buu wuxuu arkay hillaac markaasuu intuu is illaaway yiri "alla hillaaca .alla hillaaca" lol maxaa ka dhacay hee intii la soo qabtay baa la bugeeyay .. oo la yiri tuugoow hillaac yaa kula ogaa .......