Piczo

Log in!
Stay Signed In
Do you want to access your site more quickly on this computer? Check this box, and your username and password will be remembered for two weeks. Click logout to turn this off.

Stay Safe
Do not check this box if you are using a public computer. You don't want anyone seeing your personal info or messing with your site.
Ok, I got it
Back To Home Page
DHUNKASHADA
SALAAXISTA
Dhunkashadu waxa weeye kicin ama baraarujin, iyada oo la isticmaalayo taabasho iyo ur. Kolkay dhunkashadu dhacayso, jirka haweeneydu waxa uu ku lismayaa jirka ninkeeda, kooda diirrimaad badan baana markaasi huwiya kan kale. Dhiigga ayaa dhaqaaqa, dareemayaalku firfircoonaadaan, jirka oo dhanna la saaqaa. Neefta labada ruux ayaa isku baxda, dareemaha urtuna billaabaa hawshiisii baraarujin iyo kicineed.

Dhunkashadu waxay kulmisaa saddex waxyaabood oo saldhig u ah kicinta iyo baraarujinta dareenka jinsiyeed, kalana ah:

Dhuuqmada:- Micneheedu waxa weeye in labada bushimood ee afka ninku ay ku lismaan kuwa xaaskiisa. Afku sida daloollada kale ee jirka, aad buu u dareen jinsiyeed badan yahay. Kolkay bushimuhu isku lismayaan, labada isqaba mid waliba waxa uu gaarkiis u dareemayaa macaan aan xad lahayn.

Urta:- Isku nabnaanta bushimaha ninka iyo kuwa naagtiisu waxay keentaa inay kulanto neeftoodu, mid walibana waxa uu markaasi uriyaa urta iyo neefta kan kale, arrintaasi oo door weyn ka cayaarta kicinta iyo baraarujinta dareemayaalka jinsiyeed. Udgoonka soo jiidashada lihi waxa uu xoojiyaa rabitaanka jinsiyeed, halka urta laga didaa ka keento qabow iyo rabitaan la'aan.

Dhadhanka:- Dhuuqmada uu labada qof midkood dhuuuqayo bushinta kan kale, waxay kordhisaa istiin qaadashada labada ruux. Kolka ay haddaba isdhuuqayaan dhuuqmo aan hagari ku jirin, waxay kaga dhigan tahay iyaga oo ka tallaabsaday marxalad difaac tii ugu dambeysay, billaabayna kulan jireedkii dhabta ahaa.

Culimada jinsiga qaar baa aaminsan in haweeneyda nin u oggolaata inuu dhuuqo, aanay waxba la ahayn inay isu dhiibto. Waxa kale oo ay rumeysan yihiin in dhuuqmadu ay ka dhigan tahay hibadii ugu dambeysay ee ay dumarku ragga siiyaan, oo waxabay uga dhigan tahay iyaga oo u galmooday. Waxaa laga yaabaa in hadalkaasi uusan mar kasta sax noqon karin, marka laga eego nin kasta iyo naag kasta, waxase uu sax noqon karaa kolka uu arrinku joogo labada isqaba!!!!.

Dhuuqmadu waxay leedahay noocyo badan;

1- Dhuuqmo si aayar ah la isugu daliigo bushimaha, iyada oo la isku xantaxanteynayo. Labada qof midkood bushimihiisa ayaa bushimaha kan kale marna si xoog ah u daliigaya marna si aayar ah, fooddooduna waxay mar qabataa foodda kuwa kale marna sii deysaa. Kolka qof bushimihiis kala qaadmaanba, qofka kale ayaa bushinta hoose uga nuuga sidii isaga oo malab dhuuqaya. Bushinta haweeneyda oo intay kululaato, barartaa, waxay ninkeeda ku dhalisaa inuu ilkihiisa si daldallayn yari ku jirto ugu salaaxo.

2- Dhuuqmada intay bushimaha ninku kala kacaan, kor ka toobaan bushimaha xaaskiisa (afkeeda oo dhami soo dhexgalo afkiisa), oo uu dabeeto sidaasi si wada jir ah ugu dhuuqo.

3- Waxa iyana jirta dhuuqmo ah in intay bushimaha ninku si adag u wada toobaan kuwa xaaskiisa, uu dabeeto carrabkiisa bidix iyo midig si fudud ugu salaaxo bushimeheeda, uguna gudbiyo afka hoose, kolka uu gudaha geliyana intay isku qabsato afkeeda uu carrabkiisa gudaha ugu sii riixo, dabeetana intuu bushimihiisa isku daboolo, ilkihiisu ay bushimeheeda u qanqaniinaan si fudud oo xanuun macaani ku dheehan yahay. Waxa kale oo laga yaabaa inay kulmaan labada carrab, isaga oo midba uu kan kale dhinaca ka curjinayo, amaba ruux waliba carrabkiisa kusii daayo gudaha afka kan kale, sidaasina ay labada carrab marna isu taabtaan marna u kala fogaadaan si istiin iyo kulayl aan la koobi karini ku jiraan.

Intaasi oo qura kuma kala duwana dhuuqmadu, balse waxa kale oo ay ku kala duwan tahay halka la dhuuqayo, ama la dhunkanayo. Ragga nin baa jira ku raaxaysta dhunkashada indhaha gacaladiisa, mid kale bushimihiisa ayuu si xantaxanta leh ugu salaaxaa dhegeheeda dacalladooda, dabeetana ugu soo hoobiyaa hoos iyo dhanka daanka, uguna gudbiyaa luqunta. Ragga waaya aragga ah qaarkood waxay yiraahdaan (dhunkashada luqunta hoosteeda ilaa dhanka bidixo waxay keentaa istiin aad u kulul). Qaar kale waxay qireen in bushimaha oo si fudud loo hoos mariyo luqunta haweeneydu ay ku dhaliso galiilyo jirkeeda oo dhan dhaqaajisa, sidii iyada ooy koronto khafiif ahi qabatay, kicisana dareen jinsiyeedkeeda.

Intaa dabadeed bushimuhu waxay u hoobtaan xaggaa iyo shafka iyo naasaha oo kamid ah meelaha ugu dareenka badan jirka haweeneyda, gaar ahaan ibaha naasaha.

Dhunkashada naasuhu waxay leedahay dhowr dariiqo:

- Bushimaha oo lagu xantaxanteeyo ibaha naasaha. Bushimuhu intay kala qaadmaan bay marna ibta qabtaan marna sii daayaan.

- Bushimaha oo inta lagu cantuugo oo lagu qabto xayndaabka naaska, markaasi carrabka ibta lagu cayaarsiiyo.

- Afka oo si toos ah ibta loogu nuugo.

- Ibta oo loo qanqaniino si khafiif ah oo ay xaasku ku istiinto.

Calaacasha gacanta oo la dhunkadaa ma laha istiin sidaasi u sii ridan, ha yeeshee waxa uu sii kordhaa kolba marka dhudhunka iyo gacanta xaggeeda sare loo sii dhaqaaqo, gaar ahaan dhanka gudaha.

Sidoo kale dhunkashada xagasha lugtu waxay dhalisaa dareen sii kordha kolba marka loo sii socdo dhanka cajarrada ama bowdooyinka loona sii dhowaado xubnaha taranka, sababta oo ah hadba intay meeliba meel kaga sii dhowdahay xubnaha taranka maqaarkeedu waa uu ka sii jilicsan yahay, kana dareen kulul yahay ilaa laga gaaro xubnahaasi
Waxa loo baahan yahay ah in fanka cayaarsiinta aan loo adeegsan oo qura bushimaha, sababta oo ah sida bushimaha oo kale amaba kasii daran bay labada gacmoodna qayb lixaad uga qaataan fankaasi, iyaga oo weliba gaara goobo istiin aanay bushimuhu gaari karin.

Dareenka gacantu waxa uu ku badan yahay dhanka gudaha calaacasha (inta cad), waxase usii daran faraha oo dareenku ku sii kordho kolba marka loo sii dhaqaaqo dhinaca fooddooda.

Taataabashadu waxay inta badan istiin ku abuurtaa qofka taataabtaha ah, waxayse ku xiran tahay xaaladda nafsiyadeed ee labada ruux. Waxa laga yaabaa inay taataabashadu mararka qaar keento natiijooyin aan loo aayin, sida la-taataabtaha oo xanaaqa haddii uusan raalli ka ahayan waxa dhacaya.

Inkasta oo taataabashada ama salaaxistu ay jirka oo dhan raad ku wada reebto, haddana jirku isku si' uma wada dareemo, waxana uu istiinku sii kordhaa kolba marka loo sii dhaadhaco dhinaca shafka ilaa laga gaaro labada naas. Waxaynu aragnaa in waqtiga isdhexgalka, dhabarka iyo barida oo la salaaxaa ay iyana istiin ba'an keenaan.

Goobaha istiin qaadashadu guud ahaan, waxay ku badan yihiin agagaaraha daloollada jirka, labada naasna waxa lagu tiriyaa inay kamid yihiin goobaha ugu istiinka badan jirka, waxaana uu gaaraa heerkiisa ugu sarreeya kolka la maraanmaro ibaha naasaha. Waxa jira dhowr hab oo loo maraanmaro ibaha naasaha loona kiciyo dareenkooda waxaana kamid ah:

- In calaacasha gacanta inteeda cad si fudud loogu cadaadiyo oo loogu salaaxo.

- In faraha fooddooda si fudud loogu qabto, oo marna loogu salaaxo, marna loogu maraanmaro, sidii iyaga oo la lisayo.

Intaasi marka ay dhacdo, waxa naaska ka soo buuxsama dhiig ku shubma xididdada oo dhan, dabeetana waa uu bararaa oo kululaadaa, ibtuna taagantaa, taasi oo si toos ah ishaaro u siisa xubinta taranka haweeneyda.

Salaaxista haweeneydu, kuma koobna oo qura labada naas, balse waxa loo baahan yahay in la salaaxo meelo kale oo jirka kamid ah sida; labadeeda warqood, gudaha bowdooyinka, gumaarka, faruuryaha cambarka, iwm. Waxaan muran ku jirin in haweeneyda ninkeeda ay jeceshahay uu labada cajar dhexdooda kaga salaaxo mid kamid ah labadiisa gacmood, isaga oo isla markaasi tan kale kaga salaaxaya labadeeda naas, ay dareento istiin iyo raaxo labanlaab ah.

Kolka gacanta ninku ay soo maamusho naasaha iyo shafka xaaskiisa, waxay u degtaa dhinaca caloosha, iyada oo salaaxaysa rugta xuddunta, dabeetana u jiitamaysa dhanka cajarrada iyo gumaarka, halkaasi bayna in muddo ah ku noqnoqotaa. Intaas dabadeed, kolka ay haweeneydu si wanaagsan istiinka u qaadato, labadeeda bawdo ayaa iskood u kala kaca, faruuryaha waaweyn ee cambarkuna waa ay kala fogaadaan, qanjirradiisuna soo daayaan dheecaan qooya cambarka gudihiisa oo idil
QAABABKA GALMADA
Kolka cambarku dareere duuf ah oo afkiisa jilciya isku halleeyo, faruuryaha waaweynina kala qaadmaan, waxa la gaaray xilligii hawsha galmadu billaaban lahayd, haweeneyduna markaas bay cayaarta dhankeeda ka gashaa, muusikadu isku dhacdaa, ninkeeda iyo ayaduna niikada iyo naadada isu jiibiyaan.

Waxaa in la xusuusnaado mudan in qanjirrada cambarku ay marmar la soo daahaan dareerahaasi, waxaana markaasi axmaqnimo ah inuu ninku isku dayo inuu geedka khasab ku geliyo, taasi oo keenaysa xanuun iyo dhibaato, gaar ahaan kolka cambarku yaryahay ama haweeneydu bekro tahay. Waxa markaasi wanaagsan in la isticmaalo waxyaabaha jilcisooyinka ah oo iyagu gelaya booskii dareerihii dabiiciga ahaa, fududeeyana hawsha gelinta.

Candhuufta inta gacanta lagu soo qaado cambarka lala mariyo ayaa kamid ah waxyaabaha jilciso ahaanta cambarka loogu qooyo, waase hadday dani khasabto oo la waayo xeelad kale oo lagu qooyo.
QAABABKA FOOL-KA-FOOL
Qaababkaan haweeneyda iyo ninkeedu waxay iskaga hor yimaadaan si fool-ka-fool ah, waxaana ay kala yihiin:

1- Kolkay haweeneydu dhabarka u seexato, soona laabto labadeeda lugood, uu dabeeto ninkeedu daba fariisto:

1-1 Intay labadeeda cajar kala furto, uu ninku labadeeda lugood dhex galo, isaga oo isku xajjinaya jilbihiisa iyo xusulladiisa ama calaaculladiisa, dabeetana intay labadeeda lugood yare sare u qaaddo, cirbaheeda ku tiiriso labadiisa xagal-lugeed oo godan.



1-2 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo, garbihiisa dul saarato.

1-3 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo ilaa ay taabtaan shafka ninkeeda uu labadeeda bawdo dhex fariisto.

1-4 Ninku intuu xaaskiisa labadeeda lugood dhex galo, oo labadiisa gacmood dhinacyada ka kala mariyo, uu dabeeto ku dul dhabbacdo.

1-5 Intay labadeeda gacmood ku soo qabato labadeeda cajar, oo jilbaheeda gaarsiiso madaxeeda, ninkuna uu gadaal ka soo fariisto.

1-6 Ninka oo labadiisa gacmood labada cajar ee xaaskiisa kasoo gelsha dhanka hoose dabeetana sare ugu soo qaada oo isku soo nabo, iyaduna intay xoogaa isa soo qaaddo qoortiisa hab-siiso.

Qaabkaani waa mid wanaagsan marka laga eego xag nafsiyeed. Waxa uu ninka oggolaanayaa in uu siduu doono uga bogto dareenkiisa rabitaan. Waxa kale oo uu ninku dareemayaa inu gacaladiisa dhabta ku qabanayo, iyada oo idilna uu hananayo. Haweeneyda lafteeda waxa ku dhalanaya dareenkaasi mid la mid ah, iyada oo dareemaysa inay meel aamin ah ku jirto. Qaabkaani waxa kale oo uu ku wanaagsan yahay, isagoo labada qof awood u siinaya inay siday doonaan isu istiimiyaan.

Waxa laga yaabaa qaabkani inuu khatar geliyo ilma-galeenka buuxa xilliga ay haweeneydu uurka leedahay, khatartaasi oo uga imaanaysa culayska ninka dul saaran, iyo weliba awoodda garaacis ee ka dhalata dhaqdhaqaaqiisa. Sidaa daraadeed, waxa habboon in aan la isticmaalin xilliga uurka.

2- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, oo kadib kolka la isgeliyo labada xubno-taran, ay fidsato labadeeda lugood, oo sidaasi labadeeda cajar dusha uga qabtaan labada cajar ee ninkeeda.

3- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, ay labadeeda lugood mid sariirta ku dul dherersato, tan kalena ninkeeda dhabarka kaga soo qoolaashto, amaba ay garabkiisa dul saarato.

Labadaan qaab (2,3) waxay aad ugu habboon yihiin kolka geedka ninku jilicsan yahay oo aanu si toos ah isu taagi karin. Qaabka 2aad waxa uu si gaar ah u kordhiyaa raaxada ninka, mana oggolaanayo geedku inuu cambarka dibaddda uga soo baxo, waxana ku taliya dhakhaatiirta.

4- Kolka labada isqabaa ay dhinaca u seexdaan:

4-1 Ninku intuu dhinaciisa bidix u seexdo, isaga oo isla dhererinaya xaaskiisa oo iyadu ka soo hor jeedda una jiifta dhinaceeda midig, uu dabeeto labadeeda lugood mid ku dhaafo sariirta, midda kalena cajarkiisa midig kudul rido.

Qaabkani waxa uu ku habboon yahay kolka labada xubno taran ay kala weyn yihiin. Haweeneydu qaabkan iyada ayaa goobta maamusha, waxayna awood u leedahay inay ninkeeda hab u siiso siday doonto, sababta oo ah labadeeda warqood ayay u dhaqdhaqaajin kartaa sidii iyadu ay jeclaato. Ninku kolka uu dareemo in xaaskiisu aanay weli gaarin heer biyabbax isna biyuhu ka soo dhowyihiin, waa uu joojin karaa dhaqdhaqaaqa si uu biyaha isugu celiyo, isagoo markaasi fursad siinaya xaaskiisa, si ay labadoodu isku mar u biyabbaxaan.

5- Kolka intay haweeneydu sariirta ama miis is ag taagto qaarkeeda hore si dhacadiid ah ugu dul seexato, iyada oo gondaheeda ku taagan, amaba ku dul taagan walax adag oon dhaqdhaqaaqaynin, dabeeto xoogaa lugeheeda kala fogayso. Ninkii oo isna gondihiisa ku taagani uu markaa labadeeda jilib soo dhex galo, isaga oo qaarkiisa hore ka daba laabaya, labada gacmoodna kaga soo qabanaya garbaheeda, ama ku qabsanaya barkinta.

Qaabkan waxa lagu fududeeyaa bekra jebinta dumarka aan la tolin, ha yeeshee ma garanayo inuu dumarka la tolayna u leeyahay faa'iido taa la’eg iyo in kale. Waxa si fudud oo dherer ah ugu dillaacaya xuubka bekrada, waana uu ka xanuun yar yahay qaababka kale. Waxa intaa dheer iyada oo xaaska aan bekrada ahayni ay aad ugu raaxaysato qaabkaan.

Macaantiisa waxa barbar socda daal badan oo gaar ahaan ninka ku yimaada, mana fududeeyo inay xawadu u gudubto ilma-galeenka, geedka oon cambarka wada geli karin awgeed, taasi oo markaasi keenta suurtagalnimadii ubad dhalista oo yaraata.

6- Kolka intuu ninku dhabarka u seexdo ay xaaskiisu ku dul fariisato.

6-1 Intay ku dul fariisato, geedkana isgeliso, ay markaasi ku dul dhabbacato, oo naaseheeda shafkiisa ku dul qabato, labadeeda gacmoodna miskaha kaga soo qabato oo isku soo cadaadiso, dabeetana dhaqdhaqaq bilowdo.

6-2 Ninkii oo xoogaa lugaha soo laabay, intay labadiisa bawdo ku dul fariisato, geedkana isgeliso, iyada oo u dul saaran sidii inay faras fuushan tahay, ay markaasi dhabarkeeda kor iyo hoos ugu dhaqaajiso.

Qaabka 6aad aad buu ugu wanaagsan yahay kolka uu ninku daallan yahay, waase qaab uga baahan haweeneyda khibrad dheer oo ah siday muruqyada cambarkeeda u xukumi lahayd oo isugu dhellitiri lahayd, ugana dhigi lahayd kuwo geedka ninka lisa. Qaabkaani in kasta oo aanu suuragal ka dhigeynin, in la isa salaaxo oo la isdhuuqo, haddana waxa uu ninka gaar ahaan u leeyahay faa'iido weyn oo aanay qaababka kale u lahayn, taasi oo ah isaga oo daawanaya xaaskiisa uu jecel yahay oo gebi ahaanteed dul saaran. Waxa kale oo uu labada qofba u oggolaadaa inuu mid waliba fiirsado sida uu kan kale u gurxamayo u riimayo isuna bedbeddalayo.

Qaabkaan dhibaatooyinkiisa waxaa kamid ah isaga oo sahla gudbinta cudurrada, gaar ahaan kolka uu cudurku haweeneyda haayo, maadaama biyeheedii ay kusoo hoorayaan geedka ninka ibtiisa. Tan kale waa in aynaan illaawin in qaabkaani yareeyo suuragalnimada uur qaadista, kol hadday xawadii dib uga soo baxayso cambarka kolkay hawshu dhammaato.

7- Kolka intuu ninku fariisto oo lugihiisa xoogaa kala furo, ay xaaskiisu dhabtiisa kudul fariisato, oo labadeeda lugood si aad ah u kala fogeyso, dabeetana uu sidaa geedka hoos uga keeno.

Qaabkaani aad buu u raaxo geliyaa haweeneyda, ha yeeshee waa uu daaliyaa ninka. Waxa intaa dheer, geedka oon cambarka wada geli karin, taasi oo markaasi yaraynaysa fursadda uur qaadista.
GACAL DOORASHADA
Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in haweeney afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno:

1- Qurux: Quruxdu inkastoo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay dumarku ragga u daadiyaan, misana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn, intay halleyso ayaa ka badan waxay hagaajiso, waxana weeye wax da’ ku xiranoo qofka aan ku daahin. Waxaa la yiri quruxda keligeed ahi waa sida bal cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha ku deysatid, kolkeyse daaqaan ay ku banaan (shubmaan) oo bushi uun ka qaadaan.

2- Qoys sharaf leh: Waa wax loo baahan yahay in dad la garanayo oo magac iyo maamuus leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye”. Xadiiska oo uu soo saaray ibnu Maajah, micnihiisu waxa weeye dadnimo wanaagga waa la’iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad guursaneysaan amaba u guurineysaan inuu qoys wanaagsan ka dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska dhan guursan maysidoo qof baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa inay qoftaasi noqon doonto tii lagu nastoo lagu nagaado, haddaanad akhlaaq iyo diin ka eegin?.

3- Maal: Ninkii gabar maalkeed “oo qura” u guursadaa, ma uu doonayo gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa nin ay iibsatay. Waxaa hore loo yiri: Ninka waxa wanaagsan inuu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo duunyo, si aysan u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si uusan u yasin.

4- Diin: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis saxiix ah ku yiri: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaar gacmaha ciid gashee). Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan.

Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii lagu heli lahaa haweeney afarta sifo ee aannu soo sheegnay isku darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro qof diin leh, hadday markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Alxamdu Lil-Laahi, hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil-Caalamiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaad mooddaa in dabeecadda raggu dalkay doonaanba ha u dhasheene tahay inay gabadha bilicsanaanteeda iyo muuqaalka bedenkeeda ku daba galaan, intaanay u daadegin diin iyo dabeecad kale. Hadday markaasi diin iyo dabeecadi u dheer yihiin, ninka daa’in ka baqayaa waa tuu doonayey, kii kalee damackatiir ahe xoolo daneeyaase quruxda wuxuu ku daraa inay dad magac iyo deeq leh ka dhalatay.
SOOMAALIDA IYO QURUXDA
Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-

- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.

- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.

- Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

- Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).

- Labay u shuban tahay: labada dhaban.

- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.

- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.

Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
GABADHA UDHISA GACALKEEDA
Gabadha intaan gacalkeeda loo guri geyn, waxaa loo baahan yahay in loo dhiso, loona naashnaasho. Saciid bin Al-Musayib wuxuu ibni Cabbaas (RC) ka weriyey inu yiri: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kolkuu gabadhiisa Faadumo (RC) u guurinayey Cali (RC), wuxuu haweenkii ku yiri: “Gabadheyda Faadumo waxan u guurinayaa ina adeerkay Cali. Waanad ogsoon tihiin halkay iiga taallo, waxaanan doonayaa inaan haddeer u guri geeyee, gabadhii waa taase dhisa”. Kolkaa intay Faadumo u tageen bay ugeliyeen waxay dahab lahaayeen, kuna udgiyeen waxay barafuunno lahaayeen. Muddo markuu ka maqnaa buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mar labaad u galay haweenkii, markaas bay uga bexeen qolkii, waxase ku hartay gabar la oran jiray Asmaa’ binti Cumays. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) baa markaa weydiiyey gabadhii: “Adigu tumaad ahayd?”. “Tii gabadhaada ilaalineysay baan ahay”, una raaciday: “Gabadha habeenka la aqalgelinayo waa in ay qof dumar ihi la joogto u adeegta, hadday dan yeelatana ufulisa”. Markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ugu duceeyey: “Eebe hortaada, gadaashaada, midigtaada iyo bidixdaada intaba sheydaan haka ilaaliyo”.

Haddaba, gabadha habeenka aqalgalka waa in inta si wanaagsan loo dhiso, la raaciyaa gabar kale “Malxiisad” ninka guriga ugu gelisa, una bandhigta qurux jirkeeda wixii ku qarsoon, iyadoo mar lugeheeda tusta, mar gacmaheeda, mar wejigeeda marna dahabka dusheeda ku raran, si uu isha uga buuxsado ugana dhergo intaanba gogol iyo galmo la isla gaarin. Waxaa weliba habboon in ninka xaaskiisa loo aqalgeliyo habeenkii kolkay dunidu degto dadkuna jabaqda dhigo.
DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA
Hooyo. 1: (Gabadheydiiyeey, waxaad ka baxday guri aad baratay una baxday gogol iyo nin aanad garanayn. U noqo dhul, samo hakuu noqdee. U noqo dhab, udub dhaxaad ha kuu noqdee. U noqo jaariyad, addoon ha kuu noqdee. Ha isku nabin yaanu ku nicine, hana ka fogaan yaanu ku hilmaamine. Hadduu kuusoo dhowaado u dhowow, hadduuse kaa meero ka fogow. Ilaali sankiisa, dhegihiisa iyo indhihiisa. Yaanu kaa urin udug mooyee, yaanu kaa maqal hadal mac mooyee, yaanunna kaa dhugan dhalaal iyo qurux mooyee).

Hooyo. 2: (Gabadheydiiyeey, waxaad ku socotaa nolol cusub… Nolol aanu boos uga bannaaneyn hooyadaa, aabbahaa, iyo walaalahaa toona. Waxaad noqoneysaa xaas uu qabo nin aan dooneyn inay cidi kula wadaagto, xitaa hadday ciddaasi ahaan lahayd kuwii ku dhalay iyo kuwii kula dhashay.

Gabadheydiiyeey, ninkaaga u noqo naag iyo hooyo labadaba. Gaarsii heer uu aamino in aanay cid aan adiga ahayni jirin, mar kastana xusuusnow inuu nin (nin kasta) yahay carruur caga weyn, hadal macaan kan ugu yarina uu ka farxinayo. Yaanu kaa dareemin murugo iyo in guurka uu ku guursaday aawgii aad reerkaagii uga soo fogaatay, illayn isaguba waxa uu ka soo tegay gurigii aabbihii iyo reerkiisiiye. Ha yeeshee farqiga idiin dhexeeya adiga iyo isagu waa uun farqiga u dhexeeya nin iyo naag oo naagi mar waliba waa ay ka beer jilcan tahay kagana xiiso badan tahay ninka xagga waalidkeed iyo gurigii ay ku dhalatay, ku barbaartay waxna ku baratay. Waa inaad la qabsataa nolosha cusub iyo ninka cusub oo laga billaabo maanta noqday ninkaagii iyo carruurtaada aabbohood.

Gabadheeydiiyeey, waa kaa mustaqbalkaagii waana kaa gurigaad adiga iyo ninkaagu wada dhisateen, aabbahaa iyo hooyadaana ka soo qaad wax tegay. Ku oran maayo iska illow aabbahaa, hooyadaa iyo walaalahaa, haddaad adigu illowdana iyagaanba ku illoobi karin, waxanse kaa codsanayaa in aad ninkaaga jeclaatid, isu qurxisid, isagana u joogtid, weligaana maandhey iska ilaali masayr haddii kale furriin meel kuuma jiro).

Hooyo. 3: (Gabadhaydiiyeey, maal badni waalidkeed hadday gabari nin kaga maarmi lahayd adaa ugu horreyn lahaa, balse haddaynu dumar nahay rag baa naloo abuuray, sida raggaba annaga naloogu abuuray.

Gabadheydiiyeey, waddankaad ku dhalatay iyo gurigaad ku barbaartay waa tanoo waad ka baxaysaa, adoo aadaya dal aanad aqoon iyo nin aanad u baran la dhaqankiisa, ee maandhey u ilaali toban umuurood:

- Ta koowaad iyo ta labaad: Ku qanac wuxuu ku siiyo kana maqal wuxuu ku yiraahdo, maxaa yeelay qanaacada qalbigaa ku qabooba, maqalka ninkana rabbi baa raalli ka noqda.

- Ta saddexaad iyo ta afraad: Halka ishiisu qabanayso la soco, halka sankiisu urinayana ogoow, oo yaanay ishiisu qurux mooyee wax kale qaban, sankiisuna udgoon mooyee wax kale urin.

- Ta shanaad iyo ta lixaad: La soco waqtiyada uu wax cuno, uguna dadaal degganaanta waqtiga uu hurdo, maxaa yeelay gaajadu way gubtaa, hurdada oo lagu bar gooyaana way ka caraysiisaa.

- Ta toddobaad iyo ta siddeedaad: U dhowr guriga iyo maalka haku qaddariyee, una daryeel qaraabada iyo ubadka maamul aqoon iyo marwanimo hakuu qiree.

- Ta sagaalaad iyo ta tobnaad: Sir haka bixin yaanu kaa sad goosane, amarna haka diidin yaanu intuu kuu xanaaqo ku diline. Ha farxin isagoo murugeysan, hana ismurjin isagoo faraxsan).
DAREENKA GABADHA HABEENKA AQALGALKA
Gabadha aan bekra-jebinta wax fikrad ah ka haysan, was-waas, shaki iyo cabsiyi kama marna habeenka lala aqalgelayo. Marka aan leeyahay (fikrad) kama wado tijaabooyin hore oo ay soo martay, balse waa fikrad cilmiyeed la soo baray loogana soo sheekeeyay. Waxaa dhacda inay hablaha qaarkood ka baqaan inayba kala dillaacaan habeenkaasi. Bekra-jebinta waxaa la socda xanuun yar oon micne lahayn, watana macaan illowsiisa cabsida oo dhan. waxaan oran karnaa maba jiro wax xanuun lagu tilmaami karaahi haddii aynaan annagu arrinka buunbuuninayn, siinaynna ahmiyad ka weyn tan uu mudan yahay.

Waxa waajib ku ah gabadha inay isugu diyaariso guurka si qalbi furnaan leh, sababta oo ah habeenka aqalgalku waa hadafkeeda koowaad waxaana ku xiran mustaqbalkeeda oo dhan. Gabadha si wanaagsan u xulatay gacalkeedu maba aha inay cabsato, balse waa inay si kalsooni ah xabadkiisa isugu tuurtaa una dhunkataa iyada oo u diyaar garoobeysa inay la midowdo laga billaabo saacaddaasi ilaa iyo intay nooshahay. Dabcan gabadha caynkaasi ah ee farxad iyo laab furnaan ku soo dhoweysa habeenkeedu way hilmaantaa xanuunka aan wax la sheego lahayn ee la socda bekra-jebinta.
SIDEED U DHAQMAYSAA HABEENKA AQALGALKA
Waxaan shaki ku jirin in aanu ninku wax dhibaato jireed ah kala kulmeynin bekra-jebina habeenka aqalgalka, ha yeeshee waxa uu la kulmaa dhibaatooyin nafsiyadeed oo kaga yimaada dhanka xabiibtiisa kasoo tagtay gurigii waalidkeed ay ku noolayd laga soo billaabo carruurnimadeedii albaabkana laga soo xirtay, isna aragtay iyada oo joogta caalam cusub una dhiibaysa nafteeda iyo jirkeeda nin aysan aqoon amay dushaas uun ka arki jirtay, cunto cusub, guri cusub, amar qaadasho cusub, iwm. Waxa laga yaabaa in gabadhaasi ay sanado badan daawan jirtay kana qaybgeli jirtay aqalgallo, akhrisanaysayna buugaag ku saabsan guurka, kuna riyoon jirtay farxadda iyo raynraynta sugaysa, waana tanoo rajooyinkeedii gabarnimo maanta waa ay dhaboobayaan, waxaanay dareemeysaa in halyeygeedan ay jeceshahay uu yahay kan leh jirkeeda, haddana waxa aanay ka dhamayn baqdin dumarnimo.

Habeenka aqalgalku waxa weeye habeen imtixaan, mana aha siday dad badani u haystaan habeen raaxo iyo in intuu ninku isku dul tuuro haweeneydiisa cusub uu ka darduurto macaan aan xisaab lahayn. Waxaa waajib ku ah ninka inuu habeenkaasi ula dhaqmo gacaladiisa sidii qof martiya oo kale uusanna ula dhaqmin sidii naagtiisa, sababta oo ah ahmiyadda nafsiyadeed ee habeenkaasi leeyahay baa ka weyn tan jinsiyeed. Waxaa ninka looga baahan yahay inuu bixiyo wax ka badan inta uu qaadanayo, waana in uusan ka fekerin raaxadiisa balse u qaato in habeenkaasi yahay habeen imtixaan xaddidaya mustaqbalka iyo aayaha dambe ee la dhaqanka haweeneydiisa, iyada oo habeenkaasi ka qaadanaysa fikrad heerka ay gaarsiisan tahay raganimada ninkeedu, kalana hubsanaysana in ay u dhabowday riyadii ay ku taami jirtay iyo inay khasaartay.

Asmaa’ bintu Yasiid (RC) oo malxiisad u ahayd Caa’ishah bintu Abii-Bakar (RC) markuu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) la aqalgelayey, waxaa laga weriyey inay tiri: (Caa’ishah oo si wanaagsan loo soo qurxiyey ayaan soo geliyey qolkii aqalgalka, markaas baan ugu yeeray rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam). Waxa uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) inoo soo galay isaga oo sida weel caano ku jiraan, intuu qaar ka cabay buuna Caa’ishah u taagay, markaas bay kama qaadane hoos dhugatay xishood dartii, markaas baan cod canaani ku jirto ku iri: Naa ka guddoon Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam). Dabeeto intay ka qaadatay bay xoogaa ka cabtay, markaas buu ku yiri: Sii inta soo hadhay hablaha saaxiibbadaada ah).

Haddaba waxaynu halkaa ka garan karnaa in kolka gabadha la soo geliyo gurigii lagula aqalgeli lahaa, ay habboon tahay in ugu horreynta la guddoonsiiyo hadiyad wixii markaa loo heli karo, loona sheekeeyo si xishoodka iyo baqdinta looga bi’iyo, gogoshana aan marnaba lagula degdegin.

Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in kolka aroosadda aqalka la soo geliyo, intuu ninku madaxeeda gacanta ka saaro uu ku ducaysto in Ilaah khayrkeeda iyo barakadeeda waafajiyo, waxay xumaan leedahayna ka badbaadiyo.

Amarka ugu horreeya ee ay habboon tahay inuu ninku xaaskiisa cusub siiyaa waxa weeye inay laba rakco oo Salaad ah ku xirato, ayna ku ducaystaan in Ilaah isu barakeeyo, carruur khayr qabtana kala siiyo. Sidaasi bay labada isqabaa ku dareemaan in ulajeeddada ugu weyn ee guurku aanay ahayn galmo iyo raaxaysi, balse ay tahay gudasho waajib diini ah iyo dhalid carruur dadkooda iyo dalkooda anfacda. Sidaas bayna Diinteenna Islaamku niyadda ugu dhisaysaa labada qof habeenka aqalgalka, ugana dhigaysaa macaanta hawsha habeenkaasi cibaado.

Ninku sida uu u dhaqmo habeenka aqalgalku waxay ku xirantahay sida uu u fekero, aqoontiisa, da'diisa, heerka rabitaankiisa jinsiyeed, iwm.. Haddaba si looga hor tago dhibaato kasta oo si lama filaan ah ku timaada, waxa loo baahan yahay in kahor habeenka aqalgalka ay labada isdoortay iska afgartaan mashaakilka jacaylka iyo guurka, haddii ay dareemaan in ay isku afgaran la'yihiin arrimahaasina waxa talo iga ah in ay kala tagaan, sababta oo ah guurka ku billowda is afgaranwaa jinsiyeed waxa uu lamid yahay cimaarad laga dul taagay bacaad khasabna ay tahay inay isbuurato.

Ninka habeenka aqalgalka waxa waajib ku ah inuu ka fogaado wax kasta oo miyirka ka qaadi kara sida: mukhaadaraadka, qaadka (jaadka), khamriga, iwm. (waxyaabahaasi oo sidoodaba xaaraan ka ah qofka Muslinka ah), si uusan u fasahaadin una burburrin rajooyinkii xabiibtiisa oo dhaboobaya habeenkaasi, kuwaasi oo ah inay aragto gacalkeeda oo intuu ku soo dhoweeyo waji furan, u ximbaara xaggaa iyo sariirta. Waa inuu ka ilaaliyaa inay ku baraarugto nin cabsan oo dhac-dhacaya, kuna soo socda isaga oo Aalkolo iyo khamri ay ka soo urayaan, afkiisana ay ka soo baxayaan ereyo aan dhegaha u roonayn, halkaasina dabeeto ay kaga qaraxdo quraaraddii rajadu.

Kolka labada caruus ay ka tagaan goobta waliimada una baqoolaan xaggaa iyo gogoshooda, waxa ninka waajib ku ah inuu u dhaqmo si xilkasnimo ku jirto. Waa inuusan hilmaamin in xafladdu ay daalisay jirka ooridiisa cusub. Maalinta aqalgalku waxay farxad u tahay labada qoys, ehelada kale iyo asxaabta oo dhan, ha yeeshee daal bay u tahay labada aqalgelaya, iyada oo weliba inta badan xafladda la qabto qorrax dhac kadib.

Waxa habboon in ninku uusan ugu deg-degin firaashka sidii isaga oo xiso waxbarasho dhaafaysa ka gaarsiinaya. Waa inuusan ku degdegin furitaanka hadiyadda loo keenay. (Ninyahaw noloshaada guur ha ku billaabin kufsi. Ha degdegin saacado, maalmo iyo sanado badan baa ku horyaal aad sidaad doonto u raaxeysan karto eh. Ka ilaali gacaladaada wax kasta oo shaki, naxdin, iyo degganaan la'aan ku abuuri kara , ulana dhaqan ugu yaraan saacad kaamil ah sidii adinka oon weli aqalgelin waxbana aysan dhicin. Waxaan ula jeedaa, uga sheekee jacaylka aad u qabto iyo quruxdeeda, isuna ahaada sidaad isu ahaydeen habeen kahor, si ay gacaladaada ugu soo noqoto degganaantii una dareento ammaan iyo nabad-gelyo, wax walibana waad heli doontaaye tartiibso).

Waa inay aroosaddu heshaa xorriyad buuxda oo ay dharka iskaga beddesho, waana inuusan u soo gelin ninkeedu ilaa ay sariirta ka tagto. Waa inuu isagu dharka iskaga soo beddelaa qol kale amaba suuliga. Aroosaddu waa inay soo xirataa dhar khafiif ah oo laga dhex arkayo jirkeeda furitaankiisuna uu sahlan yahay sida guntiinada oo kale, si ay u soo jiidato ninkeeda, laakiinse looma baahna inuu isagu soo qaato dhar khafiif ah, ama xayto, amaba is-qaawiyo, taasi oo ka didinaysa xaaska habeenka ugu horreeya. Waxa laga yaabaa in gabadhu kolka ay aragto jirka ninka oo qaawan uu u cuntami waayo, oo sidii ay filaysay iyo sida dhabta ahi ay kala fogaadaan sida geedkiisa oo aad u weyn ama jirka ninka oo dubkiisu uu aad u jilicsan yahay, ama tin fara badan leh amaba ay aafo ku taal.

Waxyaabaha ay gabadha bekrada ahi aadka uga xumaato, nafteedana dhaawaca waxa kamid ah, ninka oo jirkeeda u qaawiya si ula kac ah, sababta oo ah waxa lagu barbaariyay inay is-asturto ama ay cawradeeda hoose sida naasaha, caloosha iyo xubinta taranka qarsato, sidaa awgeed ninka oo goobahaasi mar qura daboolka ka rogaa (gaar ahaan kolka uu isagu dharkiisii weli qabo) waxay gabadha ku dhalinaysaa xishood iyo inay ka xumaato, dareentana in ninkeedu ula dhaqmayo sidii inay dhillo tahay oo uu rabo inuu ka dhamaysto oo qura. Waxa kale oo loo baahan yahay in ninku uusan gacmihiisa gabadha dharka oo dhan kaga dhigin, sababta oo ah waxay u haysataa in dharku uu asturayo wax aan loo baahnayn in indhaha ninku ay arkaan, oo ah ceeb jirkeeda ku taal. Haddaba waxa ninka la gudboon inuu ooridiisa cusub u daayo habeenka koowaad inay iyadu dharka iska dhigto ama iska beddesho, welibana waa in uu tagaa meel aanay ka arkayn markay dharka iska saarayso si uusan uga xishoodsiin. Haddii haddaba uu yahay ragga ka hela inay hawshaasi iyagu fuliyaan waa inuu si tallaabo-tallaabo ah u fuliyaa oo uusan hal mar dharka ka wada dhilqin, balse uu dhowr habeen hadba meel kusii hoydaa, kuna fuliyaa hawshaasi meel mugdi ah inta ay ka baranayso xaaskiisu, ugana kalsoonaanayso. Kolka uu kalsoonidaasi kasbadana wax dhibaato ah kala kulmi maayo inuu siduu doono wax yeelo.
WAAJIBAADKA NAAGTA
Waxaa haweeneyda waajib ku ah inay ninkeeda daacad u ahaato una yeesho wax kasta oo uu ka dalbado, aan ka ahayn inay Eebbe ku caasido. Haddaba xaqqa uu ninku ku leeyahay naagtiisu waa wax aad u weynoo haddii ayan gudan gaarsiin kara Naar, hadday gudatana Janno ku geleyso. Waxaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) laga weriyey inuu yiri: (Naag kasta oo dhimata ninkeedoo raalli ka ah, Jannaday gashaa). Waxaa la sheegay in ayaamihii Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), nin safrayey uu naagtiisa amar ku siiyey inaanay kasoo degin dabaqa sare oo ay ku jirtay, isagoo aabbeheedna dabaqa hoose ku jiray. Dabeeto aabbihii baa bukooday, markaas bay Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) u dirtay dad si uu ugu oggolaado inay aabbeheed usoo degto. Markuu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ogaaday amarkii ninkeedana waxa uu ku yiri: (Ninkaaga hadalkiisa yeel). Aabbihii waa uu dhintay, say mar kale Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) amar weydiisatay, saa wuxuu ku yiri: (Ninkaaga amarkiisa yeel). Kolkii aabbihii la duugay buu Sallalaahu Calayhi Wasallam ergo usoo diray ugu bishaareysa in Eebbe ugu dembi dhaafay aabbeheed amarkii ninkeeda ooy yeeshay awgii.

Waxa uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: (Naagtu hadday shanta tukato, bisha soonto, cambarkeeda dhawrto, ninkeedana amarkiisa fuliso, waxay gashaa Jannada Eebbeheed). Caa’ishah (RC) waxaa laga weriyey inay tiri: (Gabar baa Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam” u timid, markaas bay ku tiri: “Rasuulkii Allow gabar baan ahay lasoo doontay, mana jecli guurka eh muxuu yahay xaqqa uu ninku naagtiisa ku leeyahay?. Markaas buu yiri: “Hadday madaxa ilaa gondaha carun kaga yaal leefid ku dhammaysana gudi kari mayso xaqqa uu ku leeyahay”. Markaas bay tiri: “Miyaanan markaa guursanayn?”, suu ku yiri: “Mayee guurso isagaa kuu khayr badane”). Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Naag baa u timid Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam”, kuna tiri: “Waxaan ahay naag madax-bannaan ah, waxanan doonayaa inaan guursado, ee muxuu yahay xaqqa ninku?”. Markaas buu ku yiri: “Xuquuqda ninku uu ku leeyahay xaaskiisa waxaa kamid ah in hadduu doono inuu u galmoodo iyadoo Rati dushii saaran aanay ka diidin). Riwaayad kale waxay leedahay: “Ninku hadduu xaaskiisa u yeero haka yeesho, xitaa hadday Tinnaar muufo ku dubayso”.

Haweeneydu waa inaanay guriga cidna wax ka siin ninkeedoon oggolayn, hadday saa yeeshana isna ajarkii buu helayaa iyana dembigii. Waxaa kale oo uu ku leeyahay inaanay soon sunno ah soomin isagoon u oggolaan, hadday soontana gaajo iyo harraad waxan ahayn ka heli mayso. Hadday guriga amar la’aan ka baxdana Malaa’ikta ayaa naclad ka deyn weyda ilaa ay guriga kaga soo noqoto ama ka towba keento).

Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu yiri: (Haddaan qof ku amri lahaa inuu u sujuudo qof kale, naagta ayaan ku amri lahaa inay ninkeeda u sujuuddo, xaqqa uu ku leeyahay weynaantiisa awgeed). Waxa kale oo uu yiri: (Naagi waxay wejiga Eebbeheed ugu dhowdahay kolkay gurigeeda dhex joogto. Salaadda ay ku tukato gurigeeda daaraddiisa ayaa kaga fadli badan ta ay ku tukato Masjidka, salaadda ay ku tukato guriga dhexdiisuna way kaga fadli badan tahay ta ay daaradda ku tukato, halka salaadda ay gogosheeda ku ag tukataa ay kaga fadli badan ta ay guriga intiisa kale ku tukato).

Waxaa iyana xuquuqda uu ninku ku leeyahay naagtiisa kamid ah; inay isdaryeesho isna asturto iyo inay ka waantowdo weydiisashada wax aanu awoodi karin.
WAXYAABAHAY RAGGU DOONAYAAN
DUMARKUNA AANAY DAREENSANAYN
Ma fududa inay haweeneydu ninkeeda siduu rabo u raalligeliso, gaar ahaan kolkay arrinru galmo ku lug leedahay. Waxaa markaa kulmaya isagoon waxa uu tabanayo si bareer ah ugu sheegi karin iyo iyadoo aqoon-darri ka sokow isaga uun wilaayada saarata. Hadduu xitaa sidaas baan rabaa sidaana iga daa oran lahaa hawshii galmada ayaaba saa ku dhadhan beelaysa. Ninku waxa uu jeclaan lahaa inay xaaskiisu iskeed u garato dookhiisa iyo rabitaankiisa isagoon u sheegin.

Haddaba si aynu arrinka u fududeyno, ugu horreyntaba waa inay haweeneydu ogaataa in rag oo dhami isku dookh ka yihiin dhanka galmada oo waxa ninkeedu ka doonayaa ay yihiin waxa nin kasta oo kale uu xaaskiisa ka doono, aanayna ahayn wax ninkeeda ku kooban. Marka xiga waa inay isku daydaa in waxyaabaha aynu soo sheegi doonno ay dhaqan geliso, si ay ninkeeda rabitaankiisa u raalligeliso iyana raaxada ula wadaagto.

1- MARMAR HOGGAANKA QABO

Ka badbadin igama aha haddaan iraahdo rag oo dhami way u riyaaqaan kolkay arkaan haweenkooda oo galmada hoggaanka u haaya, halkay iyagu ka doonan lahaayeen. Ninku markaasi wuxuu rabbigiis iyo ragannimadiisa ku mahadiyaa siduu ugu raaxaynayo xaaskiisa, isagoo weliba falkeedaasi si ba’an ugu kacsada.

Haddaba gabaryahay waa in aanad ka xishoon inaad gacalkaaga ugu baaqdid si aan bareer ahayn una tustid inaad galmo doonaysid, sida adigoo ku jiitama (isku naba), horaadka saara, madaxa iyo garka u salaaxa, hadal macaan oo xodxodasho ahna xaraaraddiisa ku kiciya.

2- SI XORRIYAD LEH U RAAXAYSO

Dumarka qaar baa aaminsan in dhaqdhaqaaqa (niikada) iyo reenka ka baxa xilliga galmada oo raggu dareemaa amaba maqlaa tahay wax ceeb ah, sidaa darteedna iscaburiya iskuna celiya dareenkooda oo dib u liqa. Allow yaa usheega dumarka caynkaas ah inay iscaddibayaan, isna seejinayaan, raggoodana seejinayaan raaxo iyo macaan tii ugu darrayd.

Gabaryahay ogoow rag oo dhami inay aad iyo aad u jecelyihiin inay maqlaan haweenkooda oo reemaya, neeftuuraya, dhunkashada iyo dhabanna qabsigana la wadaagaya. Ogoowna hadduu ninkaagu arko adigoo iska hoosyaal, istiin iyo raaxana aanad qaadanayn, hawsha uu qabanayana la qaybsanayn, inuu marka hore isagu iska shakinayo oo aaminayo inuu yahay wax-ma-tare aan ku raalligeli karin, marka xigana uu kaa qaadanayo fikrad xun oo ah inaad tahay mid aan mayd waxba dhaamin, maantuu ku guursadayna khasaare ka joogo.

Gabaryahay galmadu ma aha oo qura kaqaybgal jireed ee waxa weeye oo kale kaqaybgal dareen iyo rabitaan, dhunkashada iyo ereyada macaanina waa lagama maarmaan, mana loo baahna inaad ka xishootid ee saa u ogoow.

3- GALMO KELIYA MA AHA

Waxyaabaha ninku xaaskiisa ka doonayaa kuma koobna inay sariirta ugu raaxayso, balse waxa uu mararka qaar u baahan yahay jacayl aan ‘jabitaan’ lahayn oo ay laabtiisu ku qabowdo, kalsoonida uu naftiisa iyo naagtiisa ku qabaana ku kororto. Waxyaabaha haddaba uu doonayo waxaa kamid ah, dhunkasho macaan, shafka ku qabasho, salaaxis aanay doonisi ku jirin iyo haasaawe macaan. Waxyaabahaai kolkay guurka ka maqan yihiin wuxu noqdaa sida raashin aan cusbo lahayn.

4- ODAYGAAGU MA AHA AALAD

Dumarka qaar baa u haysta in ninka ay waajib ku tahay inuu xaaskiisa habeen kasta u tago, hadduu saa yeeli waayana uqaata inuu isbeddelay ama dumar kale ka raacay amaba ay ka dhammaatay oo uusan iyadaba raalligeli karin. Haddaba gabaryahay ninkaagu aalad maaha shaqeysa mar kasta oo inta batrool lagu shubo la istaaro, balse waxa weeye bani’aadam ay saameeyaan duruufaha uu ku noolyahay, dadka uu ku dhex noolyahay iyo shaqooyinka uu qabto intaba.

Ninku kolka uu ka fekerayo duruufaha hadba noloshiisa kusoo kordha, niyad uma haayo naag utag, naftiisa iyo niyaddiisuna uma qaybsami karaan laba meelood, markaasi oo kalena waxaa haweeneyda la gudboon inay isku daydo siday u fahmi lahayd mashaakilkiisa, ulana socon lahayd duruufihiisa ugana gargaari lahayd siduu uga gudbi lahaa.
RAGGIINNA LISA IDINKUNA RAAXAYSTA
Layli loogu magac daray Layliga Kegel (Kegel Excercises) baa ahaa kii ugu horreeyey ee gacan la mahadiyay ka geystay siday haweenku ku gaari lahaayeen heer biyabbax. Waxaa Layligaasi lagu tiriyaa inuu kamid ahaa horumarradii ugu muhiimsanaa ee uu gaaray Cilmiga Jinsigu, waxaana markii hore loo isticmaali jiray daaweeynta dadka ay kaadidu ka fara baxsato ee aan suuliga gaarsiin karin.

Waxaa jira saddex muruq oo ku yaal sinaha hoostooda kuwaasi oo kantaroola godka saxarada, godka cambarka iyo kaadi mareenka. Shaqada murqahaasi waxa weeye miirid, majuujin iyo joojin kolka uu qofku kaadinayo ama saxaroonayo. Mar hadday murqahaasi dabcaan, ma awoodaan inay kaadi mareenka u xiraan sidii looga baahnaa, qofkuna isagoon isogayn bay kaadidu ka baxsataa. Haddaba Layliga Kegel waxa looga gollahaa inuu xoojiyo murqahaasi si ay hawshooda habsami ugu gutaan.

Muruqa Gumaarka oo isagu kamid ah saddexdaasi muruq ee aynu soo sheegnay, waxa hawsha uu ka qabto kaadi mareenka u dheer isaga oo kantaroola cambarka naagta. Haweenka saddex dalool oo dalool in kayar ayuun buu muruqa gumaarkoodu xooggan yahay una shaqeeyaa sidii laga filayey. Iyadoo ay taasi jirto, bay misna tirada haweenka qaba kaadi baxsadku ay aad u yartahay. Kolka uu muruqa gumaarku adag yahay waa uu isku laablaabmaa oo isku majuujismaa, kana dhigaa cambarka mid adag oo wada seed ah, arrintaasi oo lagama maarmaan ah kolka la doonayo galmo laga dhergo, haddiise uu muruqaasi dabacsan yahay cambarku awood ma laha uu ku majuujismo oo ku laablaabmo, geedka ninkana ku liso.

Haddaba kolka uu cambarku ballaaran yahay muruqa gumaarkiisuna dabacsan yahay, geedka ninku ma yeelanayo awooddii ciriirinta iyo lisanka lagama maarmaanka u ahayd galmo lagu wada raaxaysto, haddiise muruqaasi adag yahay, kolka geedka ninku ku lismo ayuu sii kacaa oo kordhiyaa majuujiskii iyo lisankii, sidaasina haweeneydu ku gaartaa istiin iyo gariir kan ugu sarreeya.

Xoojinta awoodda muruqa gumaarku waxa ay haweeneyda u suura gelisaa:

1- U adkaysiga Dhalmada.

2- Xukumista kaadida.

3- Yaraynta dhabar xanuunka.

4- Kordhinta raaxada galmada (iyada iyo ninkeeda labadaba).

Layliga Kegel ee lagu xoojinayo muruqa cambarku waxa uu leeyahay faa’iidooyin la hubo, ma dhib badna barashadiisu, mana daaliyo haweeneyda xilliga galmada. Waxaa weliba intaa dheer isaga oo gacan ka geysta inay sinaha, gumaarka, iyo godka hoose ee xubinta taranku ku toosnaadaan halkii loogu talagalay, sidaasina haweeneyda ay fooshu ugu fududaato xilliga dhalmada oo aanay iyada iyo uurjiifkuba dhibaato kala kulmin.

Dumarka bartay Layliga Kegel wuxuu u leeyahay faa’iidooyin ka badan caafimaad iyo nabad-ku-dhalid. Waxay dumarkaasi si ulakac ah u kordhisan karaan istiinka iyo macaanta galmada, waase hadday Layliga u bartaan sida soo socota:

Haweenku intooda badan awood bay u leeyihiin inay xukumaan muruqa gumaarka, wuxuuse uga baahan yahay inay si fiican ugu fiirsadaan uguna feejignaadaan. Waxaan hore u soo sheegnay in shaqooyinka muruqa gumaarka ay kamid tahay inuu kantaroolo kaadida. Haddaba kol hadday haweeneydu awoodi karto inay joojiso burqadka kaadideeda, taa micneheedu Waxa weeye in muruqii gumaarku majuujismay oo isku uruuray. Aan idin xusuusiyo inay jiraan murqo kale (waa taynu hore usoo niri murquhu waa saddex) oo tamar daran kuna jira afka kore ee cambarka oo iyaguba kaadida sidaasi si la’eg u celin kara. Si ay taa meesha uga saarto waa inay haweeneydu kolkay kaadshayso labadeeda lugood intii karaankeed ah kala fogeysaa, kolkaasi oo celinta kaadidu ay u baahanayso dadaal iyo awood dheeraad ah, awooddaasi oo isku soo uruurinaysa muruqa gumaarka. Taa lafteeda dumarka badankiisu wuu yeeli karayaa, ha yeeshee hadda faa’iido kaadi joojin ka weyn bay haweeneydu huwantahay, oo ah inay sidaa ku baranayso waxa uu yahay muruqa aynu ka hadlaynaa, lana socon karto kolka uu isku soo duubmayo oo uu majuujismayo, haddii ay dhowr maalmood sidaa yeeshana waxay kasbataa khibrad, waxaanay awood u yeelataa inay waqti kasta muruqaasi majuujiso oo isku dhuujiso, iyada oo weliba tababarkii kaadi joojinta halkii kasii wadata.

Drs. Marry Ford oo ku takhasustay Cilmiga Ummulisanimadu waxay leedahay: (Kolka aad baratid majuujinta muruqaasi, wixii markaa ka dambeeya kaagama baahna wax awood ah oo ka badan indhaha ood isku qabatid kalana qaaddid, waxase loo baahan yahay in halka jeer ay muruq majuujintu socoto muddo aan ka yarayn laba sakan).

Kol hadday haweeneydii baratay kantaroolka muruqa gumaarka, waa inay aroortii intaanay sariirta ka toosin majuujisaa 5 - 10 jeer, waqtigaasi oo ay muruq majuujintu sahal tahay. Sidoo kale mar kasta oo ay kaadshayso waa inay samaysaa layligaasi. Haweeneyda uu layligu u hor leeyahay waxaa lagula talinayaa inay ku billowdo lix fadhi, halkii fadhina ay samayso toban majuujis, sidaasina waxay ku samaysaa lixdan majuujis maalintii. Waxaa laga yaabaa inuu layligaasi qofka ula muuqdo wax dhib badan, kol haddiise aynu ogaanno in halkii majuujis aanu qaadanayn wax ka badan laba sakan, halkii fadhina labaatan sakan, layliga oo idilna laba daqiiqo maalintii, markaa haweeney kastaa way samayn kartaa bay ila tahay.

Haweeneydu waxay u baahan tahay siddeed usbuuc si ay u qaybto Layliga Kegel. Usbuuca saddexaadba way dareemi kartaa horumarka la taaban karo ee ay ka gaartay raaxada galmada kana dhashay layligaasi. Waa inaanay joojin layliga ilaa iyo inta koorasku ka dhammaanayo, isticmaashaana mar kasta oo ay kaadshayso ama galmo ka qaybqaadanayso. Waqtiga galmada, waa inay si ulakac ah isugu qabataa oo u majuujisaa muruqa inta lagu jiro hordhaca galmada, taasi oo hadhowto kolka cambarka iyo geedka ninka la’is geliyo, sahal ka dhigaysa inuu iskii isu majuujiyo.

Muruqa gumaarka oo laga qaybgeliyo galmadu, waxa uu shaqada cambarka ka dallacsiiyaa qaabbile aan waxba qaban una dallacsiiyaa ka qaybgale isagu goobta maamula.

Gunaanadkii iyo gebagebadii, waxaa dumarka uurka leh lagula dardaarmayaa inay sameeyaan Layliga Kegel dhalmada kahor, si uu u xoogeysto kanaalka cambarku, una barto siduu iskii isugu uruursan lahaa uguna kala bixbixi lahaa, kala baxbaxaasi oo keenaya inay haweeneydu si fudud ku dhasho. Sidoo kale waa inay Layliga samaysaa dhalmada kadib, si muruqii gumaarku uu awooddiisii iyo shaqadiisii u soo ceshado.
QOLKA JIIFKA
Waxaa la yiri nin baa isaga oo ku jira abaabulka dhismaha gurigii uu ku aqalgeli lahaa waxa talo weydiistay saaxiibkiis isagu hore u guursaday:

- Saaxiibow waad ogtahay in aan guursan doono mar dhow, haddana aan ku jiro dhismihii iyo isku dubbaridkii gurigii aan ku aqal geli lahaa. Haddaba saaxiibow rag baa igula taliyay in aan jiifka ka dhigo hal qol aan aniga iyo xaaskeygu wadaagno, rag kalena waxay igu yiraahdeen (samee laba qol jiif, hal adigu seexo kan kalena xaaskaagu ha seexato). Haddaba adigu maadaama aad tahay saaxiibkay guur soo maray ila taliyoo xaggee baan seexdaa?.

- Anigu saaxiibow waxaban kugula talin lahaa inaad dal kale seexato.

Laakiinse arrintu ma'aha degdegtaasi. Qolka jiifka keliya iyo labada qol ee jiif mid waliba waxa uu leeyahay samaantiisa iyo xumaantiisa, waxaana aynu isku deyeeynaa in aannu inta ugu muhiimsan ka sheegno sifooyinka qolalkaasi, innaga oo u deynayna kan u sharraxan guurku inuu dookhiisa ku doorto kuu rabo labadaasi nooc ee qolalka jiifka.

Daraasaddeenna kaga hadli meyno dhinacyada dhaqaalaha, kirada guryaha, iwm., balse waxaan xoogga saaraynaa dhanka socodka nolosha qoys iyo raadadka nafsiyadeed. Waxaa jira waxyaabo badan oo inoosoo jiita hab jinsiyeed haddii aannu isdareensiinno ama maskaxda ku sawiranno innaga oon arag, aas-aaskaas ayaana lagu dhisay fanka casriga ah ee tolliinka dharka dumarka. Dawaarluhu isaga oo fankaasi adeegsanaya ayuu isku dayaa inuu qariyo ceebaha jirka, muujiyana qurux iyo taagnaan, gaar ahaan dharka hoose ee dumarka sida rajabeetada, kastuumada, sootaanada, iwm., kuwaasi oo kor u qaada taagana naaska raaracsamay, hagaajiyana wixii foolxumo ah oo ka muuqda qaabkiisa iyo dhumucdiisa intaba. Sidoo kale waxa ay qariyaan sinaha waaweyn iyo jirka caatada ah ee isaga oo qaawan aan xiisaha lahayn. Qolka jiifka keliga ah waxaa ninka iyo xaaskiisa labadaba ka qabsada xorriyad la'aan iyo inuusan midkoodna u dhaqmi karin siduu u dhaqmi lahaa hadduu keligii yahay, haddii kale waxa uu xabiibkiisa maalin kasta hor dhigayaa rajo beel hor leh, sidaasi oo uu maalin waliba ku waayo dhibic kamid ah soojiidshadiisii, muddo dabadeedna waxaa la gaarayaa heer uu aad u yaraado rabitaankii uu mid waliba u qabay kan kale. Haweeneyda maalintii isxaradhaa kolka ay habeenkii qolka jiifka timaado waxay wejiga ka rogtaa wixii ay ku dhoodhoobtay, halkaasina ninkeeda uga caddaataa xaqiiqada wejigeedu, subaxdii kolka uu hurdada ka soo kacana dhibsadaa aragtidiisa.

Inta badan waxaa jirta in muuqaalka wejiga oon waxba lagu xardhini uu ka qurux badan yahay kolka la xardho, ha yeeshee dumarka intooda badani taa kuma qancayaan, waxaana maaro looga la’yahay moodada cusub, taasi oo khasab kaga dhigeysa inay isticmaalaan alaabo ay sameeyeen warshado ka kala socda dalal kala duwan. Waxaa iyana jira rag uusan waxba u ahayn muuqaalka dhabta ah ee wejiga dumarku haddii aan la xardhin, waase laga tira badan yahay sida aan qabo ragga caynkaas ah.

Waxyaabo fara badan baa mararka qaar ka dhaca qolka jiifka, kuwaasi oo inaanay qurux badnayn iskaba daaye ah wax laga dido oo laga yaqyaqsado. Qolka jiifka keliga ahi sida caadiga ah waxa uu ka kooban yahay laba sariirood oo isku dheggan. Sariir isku dhejisku waxa weeye caado duug ah oo markii hore laga bartay dalka Ingriiska, ha yeeshee iminka dunida oo dhami taqaan. Haddaba, maadaama labada isqabaa intay isdhinac seexdaan hal go' wada huwanayaan, waxaan shaki ku jirin in neefta ka soo baxda habeenkii dad ruuxa ugu nadaafad badani aanay mar kasta noqon karin mid udgoon.

Waxaa jirtay haweeney u dulqaadaneysay ninkeeda muddo siddeed sanadood ah isaga oo habeen kasta caado ka dhigtay inuu sariirta isku dheggan ku dul kaadiyo, ha yeeshee ugu dambayntii intay u adkeysan weyday oo xarka goosatay bay ka dacwootay sidaasina looga furay.

Sidoo kale rag badan baa ka ash-asha dhiigga caadada, isna dareensiiya inuu yahay wax laga dido, inkasta oo haweeneydu iyadu ay u aragto wax caadi ah maadaama uu bil kasta ku soo noqnoqdo oo ay sidaasi ula qabsatay. Haweeneyda qabta dhiigga caado, si kasta ooy u daryeesho nadaafaddeeda, ninka dareenka fududi waxa uu ka dareemaa ur, isaga oo raba in xaaskiisu ay mar waliba ahaato mid caadi ah, haddiise ay caadi u noqon weydo oo uu billaaabo ka ash-ashid, waxay taasi ku dhalinaysaa rabitaan la'aan, gaar ahaan hadduu yahay nin dhallin yar. Waxaa ah wax la wada garanayo in haweeneydu waxyaabaha ay dhiigga caadada iskaga bi'iso ay ka qariso ninkeeda oo aanay u oggolaan inuu arko iyaga oo meel yaal, amaba meel ku qarsan, sidoo kalena gabal kasta oo maro ah oo uu dhiiggu gaaray.

Ragga iyo dumarka qaar baa ku kaca waxyaabaha dabeeciga ah sida kaadida, saxarada, dhuusada, iwm., ruuxa kale oo maqlaya, iyaga oon ka fekerin raadadka xun xun ee uu ku yeelan karo falkoodaasi nolosha qoyska. Waddanka Ingiriiska waxaad arkaysaa rag goob la wada buuxo si aan gambasho iyo xishood lahayn dhuuso ugu sii deynaya, waddanka Talyaanigana waxaaba laguugu mahad celinayaa ”Gradzio”. Su'aashuse waxa weeye ragga caynkaasi ahi dumarkoodana maku ag dhuusaan?, dumarka Ingiriiskuse ama ku wa Talyaaniguse miyaanay xil iska saarin arrintaasi sidii isaga oo kan dhuusay uu yahay dhallaankeeda yar ee dhabta ay ku hayso.

Qolka jiifka keliga ahi sidoo kale waxa uu dhibaato ku yahay ragga habeenkii ka yimaada shaqada iyaga oo daallan una baahan nasasho iyo hurdo, dabeetana ay ka toosiso oohinta ilmo la jiifa labadiisa waalid qolka amaba marmar isla sariirta. Kol haddii hooyanimadu ay khasab kaga dhigtay haweeneyda inay u dulqaadato qaylada habeenkii ee ilmaheeda yar iyo daryeelkiisa intaba, waxa habboon in ninka laga cafiyo culayskaasi iyo in aan laga qasin hurdadiisa, haddii kale subaxdii ayuu toosayaa isaga oon xalayto si wacan u hurdin, kuna billaabaa maalintiisa madax aan degganayn, lagamana gudbi karo dhibaatadaasi ilaa uu keligii qol kale seexdo.

Waxaa ninka looga baahan yahay inuu ku dhowro qolka jiifka keliga ah hab maamuus leh, oo haddii ay khasab ku noqoto inuu ku kaco waxyaabo dabeeci ah waa inuu intuu kari karo la fogaadaa, haddii kalese aanu ku dhaqaaqin xaaskiisa oo maqlaya. Haddii ay khasab noqoto in hal qol oo jiif la dego, xalka dhexdhexaadka ahi waxa weeye in la isticmaalo laba sariirood oo kala durugsan si ay labada dhinacba raaxadooda u qaataan, gaar ahaan kolka labadooda midkood jirran yahay.

Ilaa iyo hadda waxaannu ka hadlaynay dhibaatooyinka qolka jiifka keliga ah, ha yeeshee dhanka kale qolkaasi waxa uu leeyahay faa'iidooyin aan la dhayalsan karin, oo aannu kaga hadlayno sida soo socota: Kolka habeenkii shaqada laga fara xasho, gurigana laga sanqar dhigo, qolka jiifka keliga ahi waxa weeye goob labada isqabaa ay keligood ku nastaan halka ugu wanaagsan. Waa in gogosha qolka iyo nalalkiisuba ay yihiin kuwo soojiidasho leh, nasiib darrose guryaha intooda badan taas culays la iskama saaro. Dadku kolka ay gurigooda qalabaynayaan waxay caadeysteen inay ahmiyadda ugu weyn siiyaan qolka fadhiga, halka qolka jiifka ay ka dhigaan makhsin ay ku ururiyaan shandadaha, dharka iyo weliba qalab guriyeed kale oo fara badan, kaasi oo dhalan rogaya muuqaalka qolka.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in alaabada qolka jiifku ay tahay mid indhaha u roon, naftana ugu raaxaysa qaabkeeda iyo midabbadeeda intaba, taasi oo damaanad qaadaysa isku xirnaanta ninka iyo gurigiisa iyo inuu waqtigiisa kula qaato xaaskiisa gurigooda, intuu aadi lahaa baarar iyo naadiyaal fududeeya kala geyntooda.

Qolka jiifka keliga ah faa'iidooyinkiisa waxa kale oo kamid ah, isaga oo ah goob ay ku heshiiyaan labada isqabaa. Waxaynu ogsoon nahay in nolol qoys oo kasta aanay ka marnayn khilaafaad dhex mara labada isqaba, khilaafaadkaasi o marmar dheerada marmarna waqti yar gudihii soo afjarma, taasi oo ku xiran hadba dabeecadda labada qof. Dadka qaar si dhaqsa ah loolama heshiin karo iyaga oon soo dabcaynin, qaarkoodna lagamaba yaabo inay iyagu billaabaan inay qofka kale gacanta heshiis iyo iscafis ugu soo taagaan. Islaanta iyada waxa caado u ah inay koone guriga kamid ah isku laabto si ay madax adaygeeda ugu noolaato ilaa uu ciilku ka baaba'ayo taasi oo qaadan karta waqti dheer. Ragga iyo dumarka qaar baa waxa la fiican inay jilaan doorka kan dulman ee isagu heshiiska diida.

Haddaba kolka ay jiraan laba qol jiif waxa dhacaysa in mid kasta oo kamid ah labada isqabaa uu qolkiisa dib ugu gurto, dhowr maalmoodna halkaasi ku bacooloobo, isaga oo isku dhiibaya ciilka iyo cidlada. Waxa intaa dheer aragtida xun ee uu ka qaadanayo kan kale oo maalin kasta sii kordhaysa, taasi oo markaasi sii kordhinaysa karaahida iyo kala didka labadooda. Ha yeeshee qolka jiifka keliga ahi waxa uu labada dhinac khasab kaga dhigayaa inay dhexdiisa ku kulmaan halkaasi oo doodi ku dhex marto (Eedeyn, catabaad, caddeyn, cudur daar, iwm.), halkaasina dhibaatada lagu xalliyo la iskuna qalbi fayoobaado, isnaca iyo kala didkuna dhammaado, iyada oo weliba uu halkaasi ka dhoco kaftan shukaansi ah iyo galmo ku dhammaata inay wax waliba ku soo laabtaan sidoodii
BAABKA LIXAAD CINIINNIMADA NINKA
WAA MAXAY CINIINNIMADU?
Guurku si uu aragga dabool ugu noqdo ibtana gaashaan, waa in labada isqaba mid waliba rabitaankiisa kan kale kaga haqabbeelaa, isna ka haqabtiraa. Haddiise midkood howshiisii gudan waayo (taasi oo ku imaan karta aqoon-darri ama awood-darri (Ciniinnimo) amaba iimaan-darri), qoysku waxa uu markaasi qarka u saaran yahay inuu burburo.

Ciniinnimadu waxa weeye kolka uu ninku galmada u gudan waayo ciniinnimo uu ku dhashay ama cillado la soo gudboonaaday aawadood, waxanay leedahay saddex weji oo kala ah:

- Wejiga koowaad: Ninka oo geedkiisu nabadqabo oo uu kacayo, galmana ka qaybgeli karayo, ha yeeshee aan xawo lahayn oo si kastoo uu gacaladiisa ugu galmoodo ay gebagebadu halkii raaxo laga dhowrayey rafaad uun sii noqonayso, waana sida ruux gaari afarta marsho u dhammaystiray, ha yeeshee aan garanayn si loo joojiyo oo kolkuu fariinka qabo is yiraahdaba sii sheellareeya.

- Wejiga labaad: Ninka oo xawo leh, ha yeeshee geedkiisu aanu galmo ka qaybgeli karin. Taa haddaynu sii faahfaahinno, waxa weeye in aanu kacayn marnaba, ama uu damayo intaanay galmadu billaaban amaba inta lagu guda jiro sidaasina aanu ku dhammaystiri karin, amaba intuu degdeg xawada iskaga tuuro, dabeeto raaracsamo, taasi oo haweeneyda ku ridda qalbijab iyo xanuun, mar haddaanay biyihii kusoo joogsaday iska saari karin, maadaama uu ninkii hawsha la waday horteed ka faraxashay oo geedkiisii hurdo bidil la yiri. Kolkay arrintu noqoto mid joogta ahna waxay haweeneyda ku dhalisaa rabitaan la’aan iyo inaanay murugo iyo xanuun mooyee galmada ka qaadin macaantii ay ka sugaysay, sidaasina ay iyada lafteedu ku noqoto Ciniin halkay isaga ka ciniin-bixin lahayd.

- Wejiga saddexaad: Isagii oon xawana lahayn, galmana ka qaybgeli karayn, waana wejiyada ciniinnimada kan ugu daran Eebbe ha’inaga hayee.

Abwaan Soomaaliyeed oo Ciniinnimo ka gabyayaa wuxuu yiri:

Wax kalaa lagaa caawiyaa cidi ku siisaaye Cimrigaa ba’ waa qoorohoo caajis kaa galo’e

MAXAA KEENA CINIINNIMADA?

Waxaa jira dhowr waxyaalood oo loo aaneeyo inay iyagu sababaan Ciniinnimada ninka iyo carqaladaynta galmada, waana kuwa soo socda:-

1- Niyadda oon joogin:- Ninka oo xilliga galmada niyaddiisu aanay joogin oo meel kale ku maqan, amay murugo iyo cabsiyi hayaan sababo galmada ka baxsan awgood, awoodina waaya inuu niyadda hal meel isugu geeyo, sidaana geedkiisu ku kici waayo, galmadana ku dhammaystiri waayo. Umuurtaasi nafsiyanka ah raadkeeda waxaa la dareemi karaa isla habeenka xaaska loo dhiso (aqalgalka), taasi oo ka dhalata cabsi uu kaqabo ninnimadiisa iyo inuu intuu xaaskiisa cusub bekra-jebin waayo ama galmada siday ahayd u gudan waayo, dabeeto ay xaaskiisu fikrad xun ka qaadato (aaminto inaanu iyada waxba dhaamin). Haweeneyda lafteeda ooy cabsi iyo wewel badani lasoo dersaan habeenkaasi, sida iyada oo ka baqda bekra-jebinta, waxay ninka ku reebi kartaa raad kii hore la mid ah.

2- Qaanuunka Xeerka Qoyska:- Qaanuunka xeerka qoyska ooy dalalka Islaamku kaga daydeen kuwa reer galbeedka, waxa uu sheegayaa inaanu qoysku dhali karin wax ka badan hal ilaa iyo laba carruur ah. Haddaba ninka oo qaanuunkaasi u dhega taaga waxaa ka dhasha in kolka uu islaantiisa u tegayo uu si aad ah uga baqo inay uur qaaddo, sidii iyadoo hadday uur qaaddo balaayo ku habsanayso iyaga, maalkooda iyo caafimaadkooda intaba. Cabsida caynkaas ahi waxay saameysaa raaxadii laga dhowrayey galmada, maskaxda oo meel kale ku mashquulsan awgeed.

3- Xishood:- Ninka oo ka xishooda galmada gaar ahaan kolka guurku ku cusub yahay waxay keentaa inu awoodi waayo inuu xaaskiisa far u dhaqaajiyo amaba galmada dhammaystiri waayo.

4- Turriin dheeraad ah:- Ninka oo xaaskiisa si aad ah ugu tura, una suga intay iyadu ka biyabbaxayso, kolka ay biyabbaxdana ay tareenka uga degto, ooy sidaasi xaajadii isaga ugu qalloocato, keligiina u dhammaystiri waayo galmadii.

5- Cudur ka Baqid:- Ninka oo ka baqa inuu qaado cudurrada jinsiga ee aynu maalmahaan dambe maqalno, kuna dhaca dadka sinaysta iyo kuwa iyagoo isku cayn ah isu galmooda, ha yeeshee Eebbe cudurrada caynkaas ah wuu ka dhowraa labada qof ee xalaasha isku doortay.

6- Nadaafad iyo daryeel la’aan:- Haweeneyda oo aan isdaryeelin, jirkeeda daryeelin, nadaafadda daryeelin, ninkeedana kala hortagta qabow jinsiyeed iyo dharkay jikada kula jirtay, tinteeda sidii qof waalan daafiba meel u jeeddo, halkuu caraf iyo udgoon ka dhowrayey shiir iyo ur iska soo hormarisa, kuna salaanta dacwo, qaylo iyo dood. Arrimahaasi waxay midmid ama kolkay isbiirsadaan keenaan inuu ninku galmada ka soomo.

7- Shaqo culus oo la qabto:- Ninka oo shaqo dheer oo culus qabta, gurigana ku soo laabta isagooba naf ah, raashin iyo jiif waxaan ka ahaynna rabin. Hadduu haddaba sidaasi galmo ku samee isyiraahdo kolkuu billaabo buu tabar iyo taag u waayaa inuu dhammaystiro, waxaana laga yaabaa hawshii oo socota in isaga iyo geedkiisu ay hurdo is barkadaan.

8- Cillado Nafsiyadeed:- Dadka qaar baa aaminsan khuraafaad iyo waxyaabo qof caqli bartii lihi aanu aqbali karin, sida labada qof midkood oo aaminsan in maalinta Arbacada aan la’isu galmoon kii kaloo ‘ilkaha ku sida’, ama subaxda xigta habeenka aqalgalka ooy reerka gabadhu dhowrayaan maro dhiig leh, iyagoo aroor hore intay kusoo dheelmadaan qoyska cusub, ka qaadaya maraday huwadeen, kuna waraya aqalka daaraddiisa, si ay dadka u tusaan inay inantoodu bekro daahira tahay. Sidaasina waxa uu ninku kaga baqaa inuu xaaskiisa bekra-jebin waayo iyo inuu ku dhaco imtixaanka weyn ee sugaya (berritto laga waayo maradii dhiigga lahayd ee laga dhowrayey), welwel iyo cabsi dartood buuna markaasi galmadii ku dhamaystiri waayaa.

9- Hordhac la’aan:- Ninka oon wax hordhac iyo istiimin ah galmada u samayn, oo gabadhii oon godlan geedka ku booba, sidaasina laga yaabo inay kaga hortimaado ama shaqada ula garbin weydo, dabeetana kolkuu arko inuu keligii ceel shubayo ku hungoobo oo qabow jinsiyeed ka qaado.

10- Galmada oo bargo’da:- Galmadii oo lagu guda jiro hadday duruufo gaar ihi yimaadaan sida; albaabka oo la garaaco, labada qof oo mid loo yeero, ilma yaroo ooya, amaba ay ku baraarugaan urta suugo dabka saarrayd oo gubatay. Waxyaabahaasi oo dhami waxay firdhiyaan fekerka labada qof, kolkaasi oo intuu geedka ninku damo xawadiina ku noqoto markaasi laga yaabo inuu dib dambe u kici waayo, hawshii galmaduna sidaasi ku bargo’do.

11- Waqtiyada Galmada oo la kala fogeeyo:- Labadii galmo ee isku xiga oo maalmo badan amaba bilo loo dhaxaysiiyo, ninkuna sidaasi galmala’aanta ku qabatimo oo aanuba u baahan, hadduu is yiraahdo galmo sameena uu geedku si fiican u kici waayo biyuhuna degdeg uga baxaan, una maleeyo inuu cudur haayo. Haddiise uu markaasi kedib galmada joogteeyo oo maalin ama laba u dhaxaysiiyo, waxaa usoo noqota awooddiisii caadiga ahayd.

12- Galmada oo la sameeyo Caloosha oo buuxda:- Waxyaabaha kale ee ciniinnimada keena waxaa kamid ah ninka oo xaaskiisa u taga calooshiisa oo raashin ka buuxo, xilligaas oo dhiiggu mindhicirrada ku shubmayo si uu uga qaybgalo shiidista cuntada, maskaxda iyo jirka intiisa kalena uu aad ugu yaryahay. Ninka markaasi oo kale waxay mashaqo ka qabsataa siduu hawsha galmada u gudan lahaa, waxana wanaagsan inuu sugo waqti ku filan si uu dhiiggu ugu soo noqdo xubnaha intoodii kale, geedkuna awood ugu helo kicitaankii loogu baahnaa galmo buuxda. Waxaa la yiri: “Ninkii cimri dheer doonayaa qadada ha dedejiyo, cashada ha daahiyo, dumarna ha yaraysto, hadduu dhergan yahayna haba ka dheeraado. Haddaba waxa habboon in raashin waxtar leh la cuno, ha yeeshee saddex ilaa iyo afar saacadood loo dhaxaysiiyo waqtiga wax la cunayo iyo waqtiga lagu tala jiro in dumarka loo tago

13- Qaadashada Daawooyinka:- Ninka oo cuna daawooyinka qaar jirka iyo geedkaba dabciya sida; daawooyinka loo cuno dhiig karka, daawooyinka xanuunka joojiya iyo kuwa la siiyo dadka qaba cudurrada dhimirka.

14- Hormoonnada Ragannimo oo liita:- Ninka hormoonnadiisa ragannimo oo heerkoodu ka hooseeyo xaddigii looga baahnaa, waxaa ka dhasha rabitaankiisa jinsiyeed oo yaraada iyo geedka oo raaracsama, taasoo dhiillo gaarsiisa dhamaystirka galmada ama uu marka horeba billaabisteeda awoodi waayo.

15- Cudurka Sokorta:- Cudurka Sokortu waxa uu dhaawacaa qanjirrada maskaxda ee quudiya xubinta taranka, waxana uu keenaa inuu is dhimo istiin qaadashada ninku iyo in geedkiisu u kici waayo sidii la rabay. Waxaa iyana suuragal ah in cudurku aanu qanjirrada waxyeelleyn, balse qabitaankiisu uu keeno cudur nafsiyadeed, maxaa yeelay waxa uu ninka qabaa isdareensiiyaa inaanu cudurka hayaa daawo lahayn. Sidaasi buuna uga qaadaa quus iyo murugo ku keenta rabitaan la’aan jinsiyeed iyo weliba caafimaad darro guud,

16- Cayilka:- Cayilka faraha badani isna waxa uu waxyeelleeyaa jirka, gaar ahaan wadnaha iyo xididdada dhiigga qaada, taasi oo markaasi dhibaato u geysata awoodda jirka guud ahaan iyo ta galmada gaar ahaan. Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in ragga sida xad dhaafka ah u cayilan uu iska dhimo hormoonka labnimada ee lagu magacaabo ‘Testoceteron’, uuna ku kordho hormoonka dheddignimada oo isna lagu magacaabo ‘Astrogen’. Sidoo kale daawooyinka loo isticmaalo iscaatayntu iyaga laftooda ayaa keena ciniinnimada, maxaa yeelay daawooyinkaasi ama waxa weeye hormoonno qanjirrada waxyeelleeya, ama waa daawooyin ka hortaga cunto qaadashada amaba waa qaar kaadida badiya. Guud ahaan dawooyinkaasi waxay waxyeelleeyaan caafimaadka iyo awoodda ninka oo ay ku jirto tiisa galmo.

17- Sigaar cabista:- Sigaar cabista faraha badan iyana waxaa la caddeeyey inay hoos u dhigto awoodda galmo ee ninka, gaar ahaan kolka uu afartanka ka gudbo, mana laha daawo aan ahayn inuu sigaarka iska daayo.

18- Cunista Qaadka:- Qaadka oo in mukhaddaraadka lagu daro iyo in laga daayo ay weli dood weyni ka taagan tahay, dad badan oo Soomaaliyihina cunaan, ka sokow dhibaatooyinkiisa dhaqaale iyo bulshadeed, waxa uu gacan ka geystaa ciniinnimada ragga. Dhibaatooyinkiisa haddaynu waxyar ka taabannana waa sidatan:

- Ninku kolku qaadka cuno aad buu galmo niyadda ugu hayaa, ha yeeshee geedkiisu ma yeelanayo awood kicitaan raalligelin karta isaga iyo xaaskiisa midna.

- Ragga qaarbaa kolkay qaadka cunaan xawada ceshan kari waaya oo kolkay suuliga galaan ay kaadida raacdaa.

19- Daawashada Dumarka Ajnabiga ah:- Ninka oon indhihiisa ka dadban dumarka ajnabiga ka ah, amaba daawada aflaamta anshaxa iyo asluubta wax u dhimaa, waxay gayeysiisaa in jirka xaaskiisa uu xiise u qabi waayo, waana taa sirta ku jirta guurka xalaasha ah ee la yiri aragga waa u dabool ibtana waa u gaashaan.
UURAYSIGA IYO
MADHALAYSNIMADA
Mowduuca uuraysiga iyo madhalaysnimadu waa mowduuc aannu is leennahay aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay cid kasta oo Soomaali ah oo doonaysa inay guri degto ubadna daadihiso, maxaa yeelay waxaa ku jira macluumaad hadduu qofku fahmo uu kaga maarmi karo dhakhtar raadin iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee daba jiitamaya, kol hadday ummaddu isaga badan tahay taagooley aan xitaa bixin karin kharashka wiisitada intaanan daawaba laysla gaarin. Haddaba annaga oo mowduuca dib ka quusi doonna, bal marka hore aan ku billowno macluumaad guud oo ku saabsan jinsiga
XAWADA ama shahwada
Xawadu (Manidu) waa walax duuf ah oo uu ninku ku tuuro ilma-galeenka xaaskiisa kolka uu gaaro heer biyabbax. Xawadu kolka ay soo baxayso waxay leedahay midab jaalle xigeen ah oo u eg casaanka ukunta, ha yeeshee waxay dareere dhegdheg ah isu beddeshaa kolka ay hawadu ku dhacdo. Waxa kale oo ay leedahay ur gaar ah oo uu sababo dheecaanka borostaatku.

Xawadu waxay si joogta ah ugu samaysantaa labada xiniinyood laga billaabo xilliga qaan-gaarnimada (13-15 jir), waxanay ka samaysan tahay madax ay ku jiraan Hiddo-sideyaal (Genes), iyo dib u fududeeya inay dhaqdhaqaaqdo. Xawadu waxay ku noolaan kartaa gudaha habdhiska taranka naagta muddo afar maalmood ah.

Halkii tuurmo oo xawa ahi waxay u dhigantaa 3-6cm oo saddex jibbaaran ama 220-300 milyan oo unugyo jinsiyeed (Sperms) ah.

Xawadu intaanay ka bixin jirka waxay soo martaa masaafo aad u fog oo ku dhow laba mitir oo dherer ah. Kolka istiinku uu gaaro heerka ugu sarreeya, geedka ninku waxa uu tuuraa shan ilaa siddeed tuurmo oo xawo ah isaga oo sidaasi kaga takhallusaya wax kasta oo ku jira.
CAADADA
Qanjirrada taranka ee ninku waxay maalin kasta si aan kala go' lahayn u soo daayaan malaayiin unugyo jinsiyeed ah, ha yeeshee jirka haweeneydu taa waa uu ka duwan yahay. Haweeneyda qaan-gaarka ahi waxay leedahay keyd dhan dhowr kun oo ugxan aan bislayn, ahna kii ay weligeed isticmaali lahayd. Haddaba 26-28 maalmood oo kasta waxay haweeneydu soo deysaa hal ugxan oo bislaata bartamaha wareeg caado oo kasta, gaar ahaan maalinta 15aad marka dib loo soo tiriyo caadada xigta. Ugxantu ayadoo bisil ayay kasoo baxdaa ugxan-sidaha, diyaarna ku noqotaa luqunta ilma-galeenka (Cervix of Uterus), haddii aan muddo go’an gudeheed lagu faxlinna jirku waa uu iska soo qashin saaraa ayada oo uu la socdo xoogaa dhiig ahi, hawshaasi oo loo yaqaan (Caado).

Caadadu waxa ay ka kooban tahay afar marxaladood oo marxalad waliba ay hal usbuuc qaadanayso:

- Usbuuca koowaad ee ka dambeeya joogsiga dhiigga caadada, mid kamid ah labada ugxan side ayaa soo daaya hal ugxan.

- Usbuuca labaad ugxantu waxa ay ka soo baxdaa ugxan sidaha. Inta badan haweenku ma dareemaan ka soo baxaasi, ha yeeshee qaar tiro yar baa xanuun aan sidaa usii badnayn dareema.

- Usbuuca saddexaad ugxantu waxay soo martaa makaroofanka (Buuqa).

- Usbuuca afaraad haddii aan ugxantaasi la faxlin waa ay dhimataa, isla markaasi gidaarka ilma-galeenku waxa uu soo tufaa dhiig iyo dareere kale oo ku dheehan ugxantii dhimatay, gebi ahaantoodna waxay ka soo baxaan afka cambarka waxaana markaasi loogu yeeraa (Dhiig caado).

Dumarka boqolkiiba konton (50%) dhiiggooda caadadu waxa uu u dhexeyaa 25-75 garaam.

Haweeneyda caadada qabta waxa la gudboon inay ku dadaasho nadaafadda iyo isku bed-beddelashada dharka, mar kastana isticmaasho boolbire. Waa inaysan sariirta isku tuurin kolka ay caadadu ku dhacdo, balse ay isdaryeeshaa gaar ahaan labada maalmood ee ugu horreeya.

waxaannu soo sheegnay in 26-28kii maalmoodba mar caadadu timaado, waxase jirta in mararka qaar isbeddel yari ku yimaado muddadaasi oo ama ay 26 ka yaraato ama 28maalmood ka badato, haddiise isbeddelkaasi uu usbuuc ka bato, waxay taasi ku tusaysaa inuu jiro cudur dhakhtar u baahani. Dhiigga caadadu waxa uu socdaa maalin ilaa toddoba maalmood, haddiise muddadaasi ay ka yaraato maalin ama ka badato usbuuc waxa uu noqonayaa mid aan caadi ahayn oo dhakhtar u baahan. Waxyaabaha gooya ama dib u dhiga dhiigga caadada waxa kamid ah: Isbeddelka jawiga, ka guurista xeebta oo loo guuro magaalada bartamaheeda ama lidkeed, ka guurista ban ilaa buur ama tuulo ilaa magaalo, beddelista waqtiyada cuntada, ku qubaysashada biyo qabow, ciyaarista isboortiga, xanaaqa faraha badan, cabsida iwm. Waxa weliba intaa dheer in inantu kolka ay qaangaarayso ayaamaha dhiiggeeda caadadu aysan habeysnayn.

Dhiigga caadada soo dhowaanshihiisa dumarka qaar baa ku garta calaamado ay kamid yihiin: Calool xanuun, daal, indhaha dushooda oo culays ka fuulo, shuban, madax xanuun, tamar darri iyo suuxdin, iwm., haddiise ay gabadhu dareento xanuun aan loo adkeysan karin waxa markaasi habboon inay dhakhtar la tashato.

Xanuunka ka yimaada caadada waxyaabaha kahortaga waxa kamid ah tarbiyadda wanaagsan. Waxa nalooga baahan yahay haddii aynu nahay waalidiinta carruurta koriya in aynu u sharraxno hablaha inta ay yaryar yihiin wax kasta oo ay la kulmi doonaan mustaqbalka, si aysan kedis ugu noqon oo aanay uga welwelin caadadaasi iyo dhiigga la socda. Kolka aannu inanta kala hadlayno caadada ku dhacday markii ugu horreeysay, waa in aynu ku waaninnaa waanadan oo kale: (Caadadu ma aha cudur ama ceeb, balse waxay ku tusaysaa inad qaangaartay. Hadda laga billaabo waxaad gudahaaga ku qaadi doontaa bu'dii uu ka uunmi lahaa uurjiifku. Waxaad ogaataa in aad weynaatay ood mar dhow noqon doonto haweeney, kolka aad si wanaagsan u kortana aad carruur dhali doonto. Haddaba farax oo ducayso markasta oo ay caadadu kaa timaado, hana u aabayeelin xanuunnada yaryar ee ay keento. Dhiigga aad arkaysaa ma aha wasakh sida ay ku doodaan kuwa jaahiliinta ahi, balse waxa weeye mid caafimaad, waana hoore cunto u noqon doona carruurtaada berrito. Haddaba ka soo qaad ayada oo ay caadadu kuu tahay ballanqaad laguu ballan qaadayo farxad soo socota taasi oo ah hooyonnimo).

Inantu waxay marka ugu horreeysa caada keentaa kolkay 11-12 jirsato, waxase laga yaabaa inay da'daasi dib uga dhacdo taasi oo ku xiran jawiga ay ku kortay, cuntada ay cunto, iwm., ha yeeshee haddii ay 18 jir dhaafto iyada oo aanay weli caado ka imaan waxa markaasi habboon inay dhakhtar u tagto.
DHAXLIDDA ASTAAMAHA
Qof kasta oo bani'aadmi ahi waxa uu ka unkamaa hal unug oo lagu magacaabo (Bu'da bacrimane), taasi oo ka dhalata kolkay is galaan iskuna baaba'aan xawada ninka iyo ugxanta naagtu. Unuggaasi waa uu qaybsamaa asagoo u kala jeebmaya laba unug oo isla eg, dabeeto afar, dabeeto siddeed unug?¢â‚¬?¦ilaa uu ka samaysmo qof bani'aadmi ah oo ka kooban kumanaan unugyo ah.

Bu'da unugga ayaa ah halka uu qaybsanku ka dhaco. Bu'da waxa ku dhex jira koox miiqyo ah oo isku dhex miliqsan looguna yeero Koroomasoomyo (Chromosomes). Unugga jirka bani'aadmigu waxa uu ka koobanyahay 46 koroomasoomyo oo lambar labaysan (laba saf oo kiiba 23 koroomasoom ka kooban yahay).

Koroomosoomyada waxaa ku dul tixan Hiddo-sideyaal (Genes) ah kuwa iyagu xaddida astaamaha ruux kasta oo inaga mid ah u gaar ah ee lagu garto. Astaamaha sida; dhererka, midabka dubka, midabka indhaha, iwm., waxa xukuma laba qindi hidddo-side ama isku jaad ah ama isku liddi ah, kagana raran labada koroomasoom ee lambarka labeysan laba meelood oo iska soo horjeeda. Labadii qindi hiddo-side ee isku jaad ahi, astaan mideysan ayay toos ugu gudbiyaan tafiirta. Labadii qindi hiddo-side ee isku liddi ahi waxay kala xukumaan laba astaan oo isku liddi ah, mid uun baana tafiirta u gudubta (shiiqiye) iyada oo tan kale la qariyo (shiiqsane).

Haddii aynu maykariskoob ku eegno waxaynu arkaynaa in qindi kasta oo koroomasoomyo ahi isaga mid yihiin xagga qiyaasta dhererka iyo muuqaalka, marka laga reebo qindiga 23aad oo isaga koroomasoomyadiisu ay ku kala geddisan yihiin xag muuqaal iyo xag dherer intaba. Labadaa koroomasoom ee dambe mid baa dheer, dhumucda madaxiisuna weyn tahay, waxaana loo yaqaan X, midna waa uu gaaban yahay, dhumucda madaxiisuna yartahay, waxaana loo bixiyay Y. 44ka koroomasoom ee qindi-qindiga isugu jaadka ah waxa loogu yeeraa koroomasoomyo jireed, halka labada koroomasoom ee X iyo Y looga magacaabo koromasoomo jinsiyeed.

Xawada ninka iyo ugxanta naagta midkiiba waxa uu ka kooban yahay unug koroomasoomyo jireed (46 koromasoom oo lambar labaysan) barkii (23 koroomasoom oo lambar baran ah), waxaana lagu magacaabaa unug koroomasoomo jinsiyeed. Kolka haddaba ay midoobaan xawada iyo ugxantu iskuna baaba'aan, waxay yeeshaan tira buuxda oo koromasoomo ah (46 koromasoom oo lambar labaysan ah). Haddaba 46ka koroomasoom ee ay sidaan unug jireedyadu, 23 koroomasoom kamid ahi waxay ka yimaadaan xawada aabbaha, 23ka kalena ugxanta hooyada. Sidaasi daraadeed, astaamaha qofka lagu suuraadiyo barkood wuxu ka helaa aabbihii, barka kalena hooyadii.

Kolka ugxan iyo xawo isu yimaadaan oo is galaan ayay abuuraan Bacrimane (Zygote) oo ah uur bilawgii. Naagta unug jinsiyeedkeedu waxa uu ka kooban yahay 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo dheer, waxaana loo soo gaabiyaa (22+X.). Ninku waxa uu leeyahay isagu laba nooc oo xawo ah:

- Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo dheer (22+X) loona yaqaan (xawo X).

- Nooc ka kooban 22 koroomasoom + hal koroomasoom oo gaaban (22+Y) loona yaqaan (xawo Y).

Labada nooc xawo ee aynu soo sheegnay waxaa ka imaan kara laba nooc oo bacrimin ah:

- Xawada (22+X) oo la kulanta ugxanta (22+X) gabarina ka dhalato (44+XX).

- Xawada (22+Y) oo la kulanta ugxanta (22+X) uuna wiil ka dhasho (44+Y).

Sidaasi buu nooca ubadku ugu xaddidmaa daqiiqadda ay dhacayso bacrimintu. Saa darteed, cilmi ahaan cidda ka mas'uulka ah nooca ubad ee dhalanayaa waa ninka iyo xawadiisa, oo hadday xawadu tahay X waxa ka dhalanaysa gabar, haddiise ay tahay Y waxaa ka dhalanaya wiil. Haddaba waxaynu halkaasi ka garan karnaa in haweeneyda iyo ugxanteedu aanay wax door ah ku lahayn xaddidaadda nooca ubad ee dhalan doona, waana macluumo loo baahan yahay inay ogaadaan ragga ku eedeeya mararka qaarna kuba fura haweenkooda gabdho ay dhaleen aawadood. Tan kale, miyaanay ragga caynkaas ahi akhrin Aayadahaan:

}Eebbe asagaa iska leh xukunka samooyinka iyo dhulka, wuxuu abuuraa wuxuu doono, cidduu doono wuxuu siiyaa gabdho, cidduu doonana wiilal. Amaba wuxuu isugu daraa wiilal iyo gabdho, cidduu doonana waxa uu ka dhigaa madhalays, isagaa wax og, awoodi karana{ (Suutar As-Shuuraa: 49, 50).
BACRIMINTA
Halkii jeer ee ay galmo dhacdo, waxaa gudaha cambarka gala qiyaastii 300 milyan oo xawo ah, ha yeeshee dhowr boqol oo qura ayaa gaara ugxanta. Xawadu intaanay ugxanta gaarin waa inay cambarka ka gudubtaa. Cambarka gudihiisa waxa ku badan Aysiidha, xawaduna waxay u baahan tahay jawi Alkali ah , Aysiidhuna ku yartahay.Waxaa markaa lama huraan ah inay xawo aad u fara badani halkaasi ku xasuuqmayso. Xawadii intay ka badbaaddo xasuuqaasi, dareeraha duufka ah haleesha ayuun baana gaaraysa ugxanta oo bacriminaysa.
INANTAADA U AWR DAYO
CARABTA IYO QURUXDA
Waxaa loo baahan yahay inantaada iyo walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh oo ku dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha ay ka reebeyso.

Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey: (War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?). Saa kii kalaa ugu jawaabay: (Nin daa’inkii ka biqi og u guuri, maxaa yeelay hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu yaraan ma uu dulmin doono).

Waxa kaloo la yiri: Nin dadkii hore ee suusuubbanaa kamid ah baa doonay inuu inantiisa u guuriyo, markaas buu la tashi ugu tegey nin ay deris ahaayeen oo Majuusi ah (Dabka caabuda). Majuusigii oo yaabban baa yiri: (Dadoo dhami adayba adduun iyo aakhiro kaa wareystaane maxaad aniga iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?). Markaas buu ninkii Muslinka ahaa yiri: (Iska daaye, ila taliyoo yaan inantayda siiyaa?). Majuusigii baa markaa yiri: (Madaxweyneheennii Kisra xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum Qaysarna qurux buu dooran jiray, Carabina nasab iyo qabiil bay dooran jirtay, madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu go’aan ka gaar ciddaad ku dayan lahayd).
Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-

- Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.

- Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.

- Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.

- Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.

- Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.

- Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.

- Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.

- Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.

- Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.

- Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.
WAA MAXAY SEEGADU?
Qofka seegaysanayaa ma rabo inuu qof kale rabitaankiisa kaga dhergo, balse isaga laftiisa ayaa iska dhergaya (isku biyabbaxaya). Caadada seegaysiga rag iyo dumarba waa lagu arkaa, kumana koobna ragga oo qura sida ay dad badani u haystaan
MAXAA KEENA SEEGAYSIGA?
1 Sababaha keena seegaysiga waxa ugu horreeya inay qofka u fududaan weyso inuu helo xabiib uu ka xaaja guto, sidaasi buuna ruuxa cid wax la qabata intuu waayo, gacmahiida biyaha isaga saaraa. Seegaysiga caynkaasi ahi waxa uu ku badan yahay dadka ka fog jinsiga kale sida; ardayda dhigata kulleejooyinka (Boarding Schools), cusbitaallada, xabsiyada, warshadaha, ciidanka badda, dumarka aan la guursan, garoobbada iyo dumarka laga dhintay.

2- Waxa kale oo seegaysiga keeni kara in qofku uu ka dido galmada oo uu u arko wax xun sida wiil dhallinyaro ah oo lagu barbaariyay in galmada guurka hortiis cadaab lagu muteysto, isaga oon awoodna u lahayn inuu guursado. Waxa kale oo dhacda in qofku uu ka dido urta qofka kale, taasi oo keenta nacayb uu u qabo jinsiga kale sidaasina uu ku seegaysto.

3- Waxa dhacda in ragga qaar kolka ay u galmoonayaan haweenkooda ay si degdeg ah u biyabbaxaan, dumarkoodii oon weli gaarin heer biyabbax, taasi oo markaasi dumarka caynkaasi ah ku kallifta inay seegaystaan.

4- Seegaysiga carruurta waxyaabaha doorka libaax ka qaata waxa kamid ah finan yaryar oo ka soo baxa dubduleedka xubinta taranka (sida isnadaamiska oo kale), oo siduu u xoqayo uu si lama filaan ah u kaco geedkii, dabeetana uu sii macaansado ilaa uu biyaha tuuro, sidaasina uu ku barto kuna caadeysto seegaysiga.

5- Waxa kale oo ay da' yartu seegaysiga ka baran karaan saaxiibadooda kale haddii ay seegaystaan, inankuna sida uu saaxiibkii sigaar cabista uga barto si lamid ah buu seegaysigana uga bartaa.

Tira koobyo la sameeyay waxay caddeeyeen in ragga seegaysta ay gaarayaan 69-100%, iyaga oo raggu inta badan soo mara marxalad noloshooda kamid ah oo ay ku seegaystaan, gaar ahaan inta u dhaxaysa da'da 13-20 jirka. Sababaha keena in uu seegaysigu da'daasi ku badnaado waxa weeye; kacsiga oo xilligaasi aad u daran (da' kacsi labbood), xishood iyo shukaansi aqoon la'aan, iyo weliba dhallinyarada oo intooda badani ay guur la'aan joogaan. Guud ahaan dhallinyaradu waxay seegaysiga iska daayaan kolka ay billaabaan galmo caadi ah.

Hablaha iyaga boqolkiiba inta seegaysataa waay kayar yihiin wiilasha, sababahaan soo socda awgood:-

1- Shahwada oo aan hablaha u gubin sida ay wiilasha u gubto.

2- Xubnahooda taranka oo ku jira meel qarsoon, dhifna ay tahay inay la kulmaan wax taataabta oo kiciya dareenkooda, iyada oo lawada ogsoonyahay in kacsigu uu yahay sababta tooska ah ee keenta seegaysiga.

3- Iyaga oo aanu dhibaato ku hayn isku biyabbax habeen, kol haddaanay aqoon riyo habeen oo gaarsiisa heer biyabbax, waase haddii aan la istiimin intaanay seexan kahor.

4- Rabitaanka jinsiyeed ee raggu waxa uu ku kooban yahay xubnaha taranka, oo kolka uu kacsadaba waxa uu doonayaa inuu galmo sameeyo, ha yeeshee rabitaanka dumarku waxa uu isugu jiraa mid xubin taran iyo mid nafsiyadeed. Waxa ay habluhu helaan raaxooyin kale oo ay kaga maarmaan tan biyabbaxa sida; jacaylka, akhrinta sheekooyinka iyo riwaayadaha jacayl, xafladaha, shineemooyinka, jimicsiga, daryeelka jirkooda, qoob-ka-cayaarka, iwm.

Waxa la caddeeyay in casrigaan cusub dumarka seegaystaa aanay ka yarayn 50%, meelaha qaarna ayba gaaraan 70-90%. Dumarka caynkaasi ahi waxay u badan yihiin kuwa aan weli bislaan iyo kuwa qaba qabow jinsiyeed (ereygaasi oo sida caadiga ah loogu yeero dumarka aan galmada ku raaxaysan).

Anigu - qof ahaan - shaki weyn baan ka qabaa in hablaha Soomaaliyeed ama badankoodu ay Seegaysi garanayaan, waxanan taa sabab uga dhigayaa gudniinka Fircooniga ah.
WAA MAXAY GUDNIIN?
Ereryga Gudniin waxa loola jeedaa Goyn, waana ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo Gudin. Haddaba marka laga eego xagga Sharciga Islaamka, gudniinka inanku (Circumcision) waxa weeye in laga gooyo Qolofta(Prepuce) oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran Dhalfada (Balanus) oo ah madaxa xubinta taranka (Penus). Gudniinka Inantu (Clitorydectomy) waxa weeye in gabal laga jaro qolofta ku dahaaran Kintirka (Clitoris) oo isagu ah xubin kamid ah xubnaha taranka kuna dhacda dusha sare ee godka Cambarka. Kintirku waxa uu leeyahay shaqo aad muhiim u ah, isaga oo keena dareenka macaansi iyo biyabbax (Orgasm) ee haweeneyda xilliga galmada. Ha yeeshee, shucuubta xitaa kuwa hablohooda sunno gudeeya (siday dadka qaar ku magacaabaan), lama gooyo qolfada oo qura balse waxa lala jaraa Kintirka oo idil, halka gudniinka Fircooniga ah laga dabarjaro Kintirkii iyo dhammaamba faruuryihii Cambarka, sida aynu gadaal ka sharxi doonno.

Mowduuca gudniinku waxa uu kamid yahay mowduucyada aan wax badan laga qorin, aadna mooddo inay dadku ka hadalkiisa kaba xishoonayaan. Culimada Islaamka badankoodu ugama aanay hadal gudniinka sida ay uga hadleen waxyaabo badan oo ka ahmiyad yar sida; Cadaysiga. Tusaale ahaan, Imaam Xaamid Al-Gasaali silsiladdiisii kutubbada ee uu ugu magac daray (Soo noolaynta Culuumta Diinta), shan sadar oo qura ayuu kaga soo hadal qaaday gudniinka.

Arrimaha sababay inay culimada iyo dadka caamada ah labaduba ka gaabsadaan ka hadalka gudniinka, waxa ugu horreeya Qur'aanka kariimka oo isagu ah darka sharci dejinta Islaamka oon si toos ah iyo si dadban toona uga hadal mowduucaasi. Ma jirto hal Aayad oo - xitaa - laga dhadhasan karo jiritaanka gudniinku. Sidoo kale waxa la waayey hal xadiis oo saxiix ah oo waajibinaya amaba sunno ka dhigaya gudniinku.